Borama(Halsan):- Cayaarta manta magaalada Boorama ku dhexmaraysey Kooxaha ka kala socdey gobollada Awdal & Maroodijeex oo hadba kii badiyaa uu kazoo bixi lahaa kooxaha gobollada galbeedka ee cayaarahoodu ka socdaan Magaalada Boorama ayaa kaddib kolkii hal gool lagu dhaliyey kooxda Hargeysa islamarkaasna rikoore loo dhigay kooxda Borama ay iyaguna gool barbar-dhac ah dhaliyeen waxa kooxda Hargeysa u arkeen rigoorahaasi mid aan caddaalad ahayn waxana halkaas ka dhashay buuq iyo dagaal ay arrintaas kooxda Hargeysa ku diiddan yihiin.
Ciidammada ammaanka ayaa si ay rabshaddaas uga hor tagaan garoonka soo galay waxayna rideen rasaas waxana sidoo kale gebi ahaanba gaoonkii ay ciidammadu debedda uga saareen dadkii gudaha ugu jirey,
Lama oga ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee rabshaddaasi sababtay haseyeeshee warar aan weli sugnayn ayaa sheegaya inay jiraan dhimashda hal qof iyo dhaawaca 4 qof oo soo gaadhey qaar kamid ah dadkii halkaas ku sugnaa