WAR DEG DEGA;ISKA HORIMAAD KA DHACAY DHUL U DHOW KAALINTA INDHA-BIRTA EE GALBEEDKA HARGAYSA OO KEENAY DHIMASHADA HAL RUUX IYO SADEX KALE OO ISKU QOYSA.

0
648

HARGAYSA(Halsan):- abaaro salaadii maqrib wax yar ka hor  ee maanta ayaa ay policeku rasaas ooda kaga qaadeen qoys degen saldhiga oday  AWOOWO oo ah odayga agdagen  saldhiga galbeedka magaalada hargaysa halkaasi oo hada rug ciidanka TARAAFIKADA ahi ay isticmaalaan  ayuu ku geeriyooday alla ha u naxariistee Marxuum Mustafe Awoowo oo 15 jir ahaa halka ay dhaawacyo culusna kasoo gaadhay laba   ay walaalo ahaayeen marxuumka  iyo qof dumar oo aan wali  lahayn meel dhaawaceeda lagu tacaalayo. carurtan uu  dhalay oday  awoowo oo ah odaygii wali giiba degeenaa rugtan Police ka  agteeda.

 

Dhacdadan ayaa timiday kadib  markii  maalintii shalay ahayd uu dhimaha meeshan bilaabay odayga iska leh oo lagu magacaabo AXMED JABAAN (AWOOWO) Sida ilo udhow dhow dhulkan muranku ka taagan yahay ay noo sheegeen  in galabta uun ay ciido hubaysani soo galeen halka ay degan yihiin qoyskan rasaasta lala dhacay kadibna ay boolisku damceen inay ka raraan xaafadan saldhiga agtiisa taasi oo keentay inay iska hor yimaadaan ciidanka amaanka oo qabay amar iyo caruurta  odaygan oo isdifaacayay  sida uu goobjooge goobta ka dhawaa u sheegay shabakada wararka ee Halsan

booliska ayaa adeegsanayay rasaasta oo nool nool oo socotay qadar ku dhaw nusasaac sobobtayna geerida iyo dhaawacyada wiilasha uu dhalay oday ina awoowo oo ah ninkii dhulka ku deeqay saldhigaas.

 

dhanka kale wararka aanu ka helayno dhacdadan ayaa lasheegay in ay dabada ku hayso xukuumada oo saldhiga ku wareejisay nin ay madaxwayne siilaanyo qaraabo yihiin islamrkaana uu hore u diday odaygani in uu ka iibiyo dhulkan uu dagen yahay

Waxa kale oo wararku tibaaxeen uu maronka dhulka qayb ka ahaa nin shiciba oo hre ay AWOOWO isku qabsadeen balse mudo kadib ay ku kala baxeen.

Wixii warar ah ee dheeraad ah kala soco HALSAN MEDIA