War Deg Deg: Shirkii Gollaha Dhexe oo la mudeeyay Iyo Loolanka Dhinacyadda Is-haya Oo Dib-U-Istaadhmay

0
677

Hargaysa(Halsan):-Waxa goor dhawayd lagu soo gabo-beeyay Qasiriga Madaxtooyadda Shir Jaraa’id oo lagu shaacinayay Xiliga la qabanyo Shirka Gollaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE,waxaana laysku raacay 10/11/2015-ka uu Magaaladda Hargaysa ka qabsoomo Shirku.

Lamma bixin tafaasiil dheeri ah,balse waxa la sheegayaa inay jiro loolan iyo hirdan adag oo ka dhex istaadhmay dhinacyadda tartanku ka dhexeeyo oo iskugu jira Kornayladda Xisbiga hore hor-joogayaasha uga ahaa iyo Xubno ka tirsan Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Xogo-hoose,ayaa sidoo kale sheegaya in aanay wali muuqan tartan muuqda oo loogu jiro Jagadda Madaxweyne Ku-Xigeenka,iyada oo la filayo inuu booskaas sii haysto Madaxweyne Ku-xigeenka haatan ee Cabdiraxmaan Saylici.

Loolanka ugu adag ayaa waxa uu ka taagan yahay Musharaxa Jagadda Madaxweyne-nimo iyo Guddoonka Xisbiga Majaraha u hayn doona Shanta sanno ee soo socota.