War Deg Deg Ah: Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo is Casilay

0
634

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xassan iyo wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay iska casileen xilkii xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayey ka hayeen.

 

Labadan Wasiir ayaa shaacin doona  is Casilaadooda, Arintan ayaa timi ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo Amar ku siiyey Wasiirada Beeshiisa inay Taageeraan Muuse Biixi hadii kale uu talaabo ka qaadi doono.