Hargaysa: (Halsan):-Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland,MD. Axmed Cabdi Kaahin,ayaa goor dhaywd Saxaafadda u sheegay inuu dib-u-dhac ku yimid Xiligii la qaban lahaa Tartanka Ciyaaraha Goboladda Somaliland,kaas oo ku beegnaa 10 Bishan aynu ku jirno.Waxa uu ku sababeeyay Wasiirku in Dib-u-dhacaas ay sabab u tahay Gudoomiya-yaasha Goboladda Awdal Iyo Togdheer oo aan wali sii la rabay aan ugu diyaar garoobin qabashadda Tartanka Ciyaaraha,Waxaana uu intaas raaciyay in Tartanka Ciyaaraha Goboladda ay Wareeegooda hore ay dhici doonaan 20 Bishan Sagaalaad,halka Wareegga labaadna uu dhico doono 1-da Bisha October.
Si kastaba ha ahaatee Shabakadda Wararka ee Oodweyne ayaa hore Akhristayaasheeda ugu sheegtay Saddex Todobaad ka hor inay suuragal tahay inay Tartanka Ciyaaruhu dib-udhacaan,iyada oo Wakhtigaas lagu sababeeyay Khilaaf Xoogan iyo Wadashaqayn la’aan ka dhexaysa Wasiirka Wasaaradda,Wasiir Ku-XIGEENKA Iyo Agaasimaha Guud.