War Deg Deg Ah : Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

0
653

Waxaa goordhaw dhawaqa qarax aad u xoogan laga maqlay magaalada Muqdisho gaar ahaan dhinaca Degmada Wadajir, wararka aan heleyno ayaana sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari ay ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhacay Xaafada Xaawo Taako ee Degmada Wadajir , waxaana halkaasi ku qarxay gaari ay ciidamada amaanka saakay ku qabten Degmadaasi oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ciidamada dowlada ayaa saakay gacanta ku dhigay gaarigan qarxay oo ay ka shakiyeen, waxaana la sheegay in gaarigan la socdeen labo nin oo ku labisnaa dareeska Milatariga iyo nin kale oo isna xirnaa dhar caadi ah.

Gaariga oo isku dayay in uu baxsado ayaa rasasa waxaa ku furay ciidanka dowlada waxaana rasaasta haleeshay darawalkii gaariga oon kala cadeyn in uu dhintay iyo in uu dhaawac yahay, waxaana halkaasi ka baxsaday ragii kale ee gaariga la socday.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in gaariga uu goordhaw qarxay xili ciidamada Miino baarista gaar ahaan kuwa Nabad sugida ku howlanaayeen in qaraxaasi fur furaan, waxaana halkaasi ku dhintay askari Nabad sugida katirsan halka tiro kale oo booliis iyo Nabad sugid ku dhaawacmeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here