War Deg Deg ah: Maxkamadda Distooriga ah Oo Go’aan Kasoo Saartay Wakhtiga Ay Dalka Ka Qabsoomayaan Doorashooyinka Madaxtooyadda Iyo Wakiiladda.

0
723

Hargaysa:(Halsan):- Wararka hadda naga soo gaadhaya Maxkamadda distooriga ah  ee Somaliland,ayaa sheegaya in Maxkamaddu ay go’aan kasoo saartay Murankii ka taagnaa xiliga ay Doorashooyinka Madaxtooyadda Iyo Wakiiladdu dalka ka qabsoomayaan.Maxkamadda ayaa meesha ka saartay isla markaasna laashay Heshiiskii Xukuumadda yo Xisbiyaddu hore u wada gaadheen ee dhigayay inay Doorashaddu qabsoomto Deceber 2016-ka,waxaanay taageertay Go’aankii Gollaha Guurtidda ee ay sida weyn uga soo horjeedeen Xisbiyadda Mucaaradku.
Lama garanayo waxay talaabaddan kaga jawaabi doonaan Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland oo si weyn uga soo horjeeday Go’aanka ay Mudda dugu kordhiyeen Xukuumadda Iyo Wakiiladda,taas oo Macnaheedu yahay inAY Doorashaddu Dhacdo Sanadka 2017-ka.