Hargaysa(Halsan):-Xisbiga KULMIYE oo shaaciyay inay heshiiyeen iyo Musharaxiinta kala Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Biixi Yoonis Iyo Xildhinaan Kijaandhe oo cadeeyay inay tartan xalaal ah gali doonaan . Waxaana la magacaabay Guddi qaban qaabo oo shirka hagaysa kana koobaan doonta hoggaanka Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo kala ah, Maxamed Kaahin, Guddoomiye Waabeeyo, Cabdiraxman Talyaanle, Xasan Siciid, iyo Wasiir Axmed Cali Cadami.
Dhinaca kalena,Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale,ayaan isagu ka muuqan goobtan is-afgaradka lagu gaadhay,lamina garanyo in Garabka Maxamed Biixi la mawqif-yahay iyo in kale.