War-Deg-dag Ah: Wasiir Warrancadde Oo Amray In Ciidammadu Heegan Buuxa Galaan Iyo Ciidammo Tiro Badan oo La Soo Dhoobay Jidadka Waaweyn ee Hargeysa+Sawirrada

0
652

 

ciiiiii

Hargysa,(Halsan ):- Waxa ilaa galinkii danbe ee maanta ilaa caawa  ay xukumadda Siilaanyo ku soo daad guranaysay ciidamo xoogan oo ay qaarkood wayteen baabuur gashaaman, waxna isgoysyada magaalada lagu arkayaa ciidmo aan hore magaalada looga baran, taasi oo ay dheeryihiin ciidmadii booliska iyo kuwa dharcada oo heegan culus la galiyay.

Isbadalkan Amniga  Ee magaalada haragysa caawa kor  loogu qaaday ayaa salka ku haya shirweynaha xisbiga Kulmiye oo bari lagu qaban doono magaalada Hargysa gaar ahaa Hotel-ka Maansoor, waxana aad loo xoojiyay aagagaarka Hotel-ka Maansoor, iyo dhamaan goobaha mihiimka ah ee magaalada waxna aad dareemaysaa in guud ahaan caasimada ay caawa saarantahay bandoo.

Qabsoomida shirka Kulmiye ee barito oo lagu dooran doono musharaxiinta xisbiga Kulmiye uga qayb gali doona doorashada soo socota, ayaa lagu dooran doonaa musharaxiinta u tartami doona jagada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa,

Shirkani ayaa waxa qaadacay oo xaaraan ku tilmaamay sadex musharax oo u tartamaayay jagada madaxweynanimada ee xisbiga Kulmiye, waxna ay wararka ka soo baxaaya xubno ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye  ay sheegeen in loo diiday Kaadhadhkii ay ku gali lahaayeen shirka barito, waxna ay sheegeen in loo sheegay in ay bari Shanta subaxnimo ka soo xaadiraan goobta uu shirku ka dhacaayo oo ilinka ka qaataan, taasi oo ay sheegeen in bari goobtaasi ay joogi doonaan ilaalo dib u celin doonta waxii aan kaadhadh sidan,

Wararka yaa sheegaya in Kaadhadhka la siiyay uun xubanaha u codayn doona Muuse Biixi

halka xili kale lalal balamay wixii ay uga shikiyeen in aanay la xulifo ahayn.

 

ciiiiii ciiiii ciiii ciida ciidam ciidama ciidamada-amaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here