Waftiti balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga WADANI Oo Goordhawayd Gaadhay Magaalada Burco Iyo Ujeedada Socdaalkooda

0
769

Hargeysa(Halsan): -Wafti uu hogaminayo gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga WADANI ahna musharaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga mudane Axmed Muumin Seed ayaa goordhawayd gaaadhay magalada burco ee xarunta gobolka togdheer.

Waftigan ayaa saaka ka amba baxay magaalada hargeysa iyaga oo usi jeeda magaalada burco, ujeedada socdaalka ayaaa ah sidii ay waftigani shacabka reer togdheer ugala qayb gali lahaayeen xuska malinta gooni isku taga jamhuuriyada Somaliland ee 18-may oo gobolada iyo degmooyinka dalka maalinta bari ah laga xusi doono.

Waxaana waftigani ay qayb ka yihiin wafuud maanta iyo shalay ka amba baxday magaalada hargeysa una jihaysatay gobolada dalka si ay ukala qayb galaan xuska 18-may.

Waftigan uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga WADANI mudane Axmed Muumin Seed ayaa waxa kala yihiin sida tan.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga WADANI Mudane Axmed Muumin Seed

Xoghayaha cadaalada xisbiga WADANi mudane Barkhad Jaamac Baatuun

Afhayeenka dhalinyarada xisbiga WADANi mudane Maxamed Sidiiq Dhamme

Xoghayaha garabka dhalinyarada xisbiga WADANI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed.

Waftigan ayaa iyagu maalinta bari ah si wayn uga qayb gali doonaa shacabka gobolka togdheer munaasibad xuska maalint qaranimada Somaliland ee 18-May.