Hargeysa (Halsan):- Wararka hadda naga soo gaadhay degaanada Go’da weyn ayaa sheegay inay hadda gaadheen buurta gacanlibaax wafti ka socdda imaaraadka carabta oo uu hoggaaminayo wiilka siilaanyo sodoga u yahay ee baashe morgan oo ay weheliyaan wasiirada deegaanka iyo wasiir ku-xigeenka arimah debada keyse, iyo weliba ciidamo tirobadan oo iskugu jira RRU-iyo milateriga.
Waftigan imaaradka carabta ka socda oo maalintii shalay ahayd ka soo degay madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera, ayaa u jeedada ugu weyn ee ay dalka u yimadeen waxay tahay sahaminta buurta Gacanlibaax oo ay xukuumaddu siilaanyo malaayiin dollar kaga cuntay, uguna bushaaraysa inay degaankaa dalxiiska ku haboon ku wareejindoonto.
Socdaalkan waftiga uu wiilka siilaanyo sodoga u yahay ay ku tageen buurta Gacanlibaax iyo degaanada Goda Weyn, ayaa Ku soo beegmay xili ay xukuumadda siilaanyo ku fashilantay inay haamaha shidaalka ee Berbera ku wareejiso cid gaar ah,ayaa haddana duubka u xidhatay sidii ay buurta gacanlibaax ugu wareejin lahayd maalqabeen carbeed
Isku soo wada xooriyoo waftiga uu wiilka siilaanyo sodoga u yahay hoggaaminayo ayaa hadda loogu qado karinayaa guriga lagu magacaabo baydka raaxada oo ku yaala buurta Gacanlibaax.
Xigasho: Oodweynenews