Waddani Oo Kulmiye Ku Xidhiidhiyey Warar Laga Faafiyey Caafimaadka Gudoomiye Ciro

0
3002

 Waddani Oo Kulmiye Ku Xidhiidhiyey Warar Laga Faafiyey Caafimaadka Gudoomiye Ciro

Gudoomiyahayagu Local Maaha Ee Saaxiibo Badan Oo Caalami Ah Ayuu Leeyahay

 

 

Hargeysa(HWN):-afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Xirsi ayaa ka hadlay warar ka dhan ah caafimaadka gudoomiyaha xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro.

 

Afhayeen Barkhad ayaa meesha ka saaray warar sheegaya in xaalad caafimaad daro uu dalka uga maqan yahay gudoomiye Ciro, isaga oo sheegay inuu haatan ku sugan wadanka Finland isla markaana uu caafimaad qabo.

 

Afhayeen Barkhad oo ka hadlaya xaalada caafimaad ee gudoomiye Ciro ayaa waxa uu yidhi “Gudoomiye Ciro waa bad qabaa, balo iyo baas midna ma qabo xaaladiisuna waa alxamdulilaah, gudoomiyuhuna mudo ayuu u shaqaynayey qaranka haday tahay baarlamaanka iyo ta xisbigaba, laba xuquuqood ayaana saaran oo kala ah ta adeega qaranka iyo ta qoyskiisa, hada waxa uu ku sugan yahay wadanka Finland waxaanu la joogaa qoyskiisii xaq ayaana ka saaran inuu wakhti siiyo caruurtiisa xaaskiisa.”ayuu yidhi afhayeen Barkhad oo la hadlay Eryaltv.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in masuuliyiintii kale ee xisbigu joogaan isla markaana ay gutaan waajibaadka xisbiga ka saaran xaaladaha dalka la soo darsa waxaanu mar kale yidhi “Xisbi qaran ayaanu nahay gudoomiyuhuna ma xidho mana furo ee qof ayuu ka yahay, waxaana jooga gudoomiyihii ku meelgaadhka ahaa ee xisbiga Cabdiqaadir Jirde, waxa jooga hogaamiye Xirsi, waxa jooga xoghayihii guud, waxa jooga xoghayihii golaha dhexe, gudoomiyeyaashii gobolada iyo garabadii haweenka waana xisbi qaab dhismeedkiisa guud dhisan yahay weeyaan, xaalada dalka la soo daristana doorka xisbiga waa laga hadlaa mar kasta.”

 

Afhayeen Barkhad ayaa xisbiga Kulmiye ku xidhiiyey wararka ka dhanka ah caafimaadka gudoomiye Ciro isaga oo sheegay inay kaga gabanayaan fashil dul hoganaya xukuumada “Sheekada ah xanuunka, qofku wuu xanuusan karaa laakiin xanuunka iyo caafimaadkaba ilaahay ayaa haya oo qofku malag maaha laakiin waxba kama jiraan waana warar lagu hayo xafiisyada xukuumada Kulmiye, marka jihada dawliga ahi kaa lunto ee aad dayaanto ee aad dal iyo dadba fashil ku noqoto inaad shakhsiyaad muuqooda raadiso waxa keenaya duruufta markaa kugu xeeran, gudoomiyahayaguna nin Local ah maaha waa nin caalami ah oo leh saaxiibo badan oo dunida, shirar badan ayaanu ka qayb gala oo qadiyada somaliland uu ku iibinayo, dhawaana wuu iman doonaa.”