WADANKA DAD BADAN WAXAY IS WAYDIINAYAAN MAXAA SOO KALA DHEX GALAY ADEEGA “ZAAD” EE SHIRKADA TELESOM IN BADAN KU SHAQEENAYSAY IYO SIXIR BARARKA WADANKA KA JIRA

0
582

WADANKA DAD BADAN WAXAY IS WAYDIINAYAAN MAXAA SOO KALA DHEX GALAY ADEEGA “ZAAD” EE SHIRKADA TELESOM IN BADAN KU SHAQEENAYSAY IYO SIXIR BARARKA WADANKA KA JIRA

 

Su aashan dadku iswaydiinayaan anigu hadaan ka qori arigtidayda runti horta ahi qof “economist” ah oo ku takhasusay dhaqaalaha balse wan bartay cilmi la xidhiidah dhaqaalaha iyo sida uu u dhici karo sixir bararku iyo sababaha keena, markaa waxan la xidhiidhinaya xaalada wadanka ka jirta arigtidayda.

Adeega Zaad ma u noqon karaa sabab sixir bararka wadanka ?

Hadaba qofka doonaya inuu ogaado arinka sabab u ah waxa keenay sixir bararka , markaba ma fiicna inuu cid gaara dusha ka saaro balse waxa inala wanaagsan inuu si cilmiyaysan inoogu waafajiyo sababta keentay iyo waxa xalkeeda ah iyadoo xalkaa lasoo jeediyayna in badan laga taxadirayo si aanu sabab ugu noqon dhibaato kale oo ah in talaabada xalka lagu doonayay aanay sababin dhib intii hore ka badan.
Hadaba Hadaan Ka Jawaabo Su’aasha aan xaga sare kusoo xusay jawaabteedu maxay noqonaysa? Jawaabtu Waa HAA!
Shirkada TELESOM adeegeeda ZAAD ee (E-Money) waxa uu sababi karaa sixir bararka wadanka ka jira, Dadkeenuna waxaad mooda inay maanta ogaadeen inay sabab u yahay.
Hadaba sida uu sabab ugu noqon karo sixir bararka wadanka ka jira ayaan idinla wadaagi doona.
Wadan walba oo aduunka laga isticmaalo (E-MONEY) waxa jira xidhiidh ka dhexeeya (CENTRAL BANK) iyo (ORGANIZATION) ku shaqeenaya systemkaas (E-MONEY) kadibna xadi walba oo lacageed oy sameenayaan (ORGANIZATIONKU) oo ah (E-MONEY )waa inay ka taala in lamid ahi (CENTRAL BANK) oo Doller. Kadib organizationkaasi awood uma laha inuu soo galiyo suuqa lacag, haduu soo galiyana intaas uu soo galiyay inleeg ayaa central banka looga baahan yahay inuu dhigo.
Central bank kadib waaka jaangoynaya xadiga looga baahan yahay suuqa (DEMAND OF MONEY) iyo inta suuqa la keenayo (SUPPLY OF MONEY). Mana dhacayso wax (INFLATION ) ah ama (DEFLATION ) ah oo suuqa ku yimaada,hadii uu ku yimaadana waaka awooda u leh inuu controlo isagoo isku jaangoonaya supply of money iyo demand of money ga isagoo habkaa u isticmaalayo uuu ku ogaanayo gudi uu u xil saaro oo ka war haysa marwalba suuqa.
Hadaba Wadankeena ma jiro xidhiidh ka dhexeeya shirkada telesom iyo the so called “central bank in somaliland” taasi oo shirkada telesom u sahashay inay xadiga lacag ee ay doonto ugu badalata (E-money) iyadoo lacagta ay u badashay aanay in lamid ah (central bank) dhigeen taasi oo sabab u ah in kala bataan supply of money iyo demand of money ga suuqa laga rabo.

Xaalada badanka uu suuq ku sugan yahay waxa kamida:-
1:Marka suuuqa laga rabo $26 oo ah supply of money sido kale demand of moneyguna yahay suuqu $26 waa xaalad aanu sixir barar jirin sido kale hoos u dhacna aanu jirin waanay isleegyin.
2:marka suuqa laga rabo $26 oo ah supply of money sido kale demand of money uu yahay $25 waa xaalad sixir barar (inflation) waayo suuqa lacagtii looga baahnaa ayaa ka badatay suuquna qiimaha (prizeka ) kor ayuu u qaadayaa.
3:Marka suuuqa laga rabo $25 oo ah supply of money sido kale demand of money yahay $26 waa xaalad sixir hoos u dhac (deplation ) waxaana yaraanaya economic activities waayo suuqa lacagtii ayaa ku yaraatay markaa (prizeka) qiimaha ayaa hoos loo dhigayaa.
Hadaba intaaso xaaladood markaynu ka nimaadno halkee shirkada sixir Telesom bararka kaga sameesay suuqa. tusaale ahaaan markaanu jirin xidhiidhka dhexeeya central bank iyo shirkada telesom sidan ayaa dhacaysa
1: lacagta ay u badalayso (E-moneyga) waxay kor u qaadaysa supply of money
oo ah lacagta la keenayo suuuqa,
Tusaale ahaaan, hadii suuqa xaaladiisa supply of money tahay $24 sido kale demand of money $24 yahay xaaladuna iskumid tahay aanu jirin sixir hoos u dhac iyo sixir barar, qof ayaa u tagaya telesom kuna soo dhiganaya $2 (Zaad) sido kale shirkadu waxay qofkii siinaysa $2 oo zaad ah balse lacagta ay suuuqa galinayso in lamida uma geenayso central bank si aanay u kala badnaan supply iyo demand ee way isticmaalaysa waayo central bank shaqeeya ma jiro taaso ka dhigaysa inuu suuuqa lacagtii looga baahna badato kadib sixir barar dhaco oo ah 24+2(e-money) :26 hadii supply of money batona sixir barar ayaa jiraya, markaa adeega zaad waa “factor” kamida ah waxyaabaha sababay sixir bararka wadanka kajira.

WQ: mahedi ismail
Gmail: mahedi.alsomal@gmail.com