Wadan Yurub kuyaala oo laga Masaafurinayo Qaxootiga Ugu Da,da Weyn Dunida + Sawirada

0
736

Dowlada Sweden ayaa u diiday in magan galyo siiso Haweeneey 106-sano jir ah oo loo maleynayo in ay tahay qaxootigii ugu da,da weynaa Dunida, waxaana suuro gal ah in Haweenedan loo musaafirio dalkeeda.

Bibihal Uzbeki iyo xubno kamid ah Qoyskeeda ayaa kasoo cararay colaada dalka Afgaanistan, waxa ayna ugu dambeyn iska dhiibeen dalka Sweden si ay uga helaan nabad iyo nolol dhaanta tii ay uga soo tageen dalkooda Afgaanistan.

Haweenedan Da’da ah ee loo diiday in magan galyo laga siiyo dalka Sweden ayaa magaalada Kunduz ee dalka Afgaanistan waxaa dusha uga soo qaaday wiil ay dhashay iyo wiil ay ayeeyo u tahay oo iyaga oo sida geeyay Turkiga kadibna Yurub uga sii talaabsiiyay.

Xaalada Caafimaad Bibihal Uzbeki ayaa sii xumaatay markii Waaxda Socdaalka dowlada Sweden u diiday in ay magan galyo siiso , waxaana Islaantan da’da ah iyo qoyskeeda heesta wel wel hor leh ay ka qabaan musaafurin.

Qosyka haweeneydaan 106-jirka ah ayaa sheegay in aysan hadda dib ugu laaba karin dalkeeda hooyo ee Afgaanistan, sababa la xiriira iyada oo aanan hadli karin, soco karin isla markaana waxba arki karin.

Waxa ay qorsheenayaan Qoyska Bibihal Uzbeki in racfaan ka qaataan go’aanka Hey’ada socdaalka Sweden ugu diiday in magan galyo siiso haweeneyda ugu da’da weyn ee qaxootinimo ku gasha qaarada Yurub.

Hey’ada socdaalka Sweden oo dhankeeda ka hadashay sababta magan galyada loogu diiday Haweeneydan 100-sano jirka ka weyn ayaa sheegtay in da,da weyn darteed aysan dammaanad qaadi karin in qofka la siiyo magangalyo

106-year-old Afghan refugee Bibihal Uzbeki rests in bed attended by her son Mohammadollah and daughter-in-law Ziba, in Hova, Sweden, Sunday, Sept. 3, 2017. Despite being severely disabled and barely able to speak, Bibihal Uzbeki is facing deportation from Sweden after her asylum application was rejected earlier this summer. (AP Photo/David Keyton)
106-year old Afghan refugee Bibihal Uzbeki lies in bed in Hova, Sweden, Sunday, Sept. 3, 2017, and despite being severely disabled and barely able to speak, she is facing deportation from Sweden after her asylum application was rejected. Bibihal Uzbeki made a perilous journey to Europe, carried by her son and grandson through mountains, deserts and forests, but has suffered a debilitating stroke and now faces deportation. (AP Photo/David Keyton)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here