Wadamada Carabta oo koobka Qaramada Africa lagu dhagay iyo Marooko & Masar oo loo yaabo+ Sawirada

0
716
Wadamada Carabta oo koobka Qaramada Africa lagu dhagay iyo Marooko & Masar oo loo yaabo+ Sawirada

 

Koobka Qaramada Africa oo si xiisle leh uga socda dalka Gaboon ayaa waxaa xili ciyaareedkaan isbaaro loo dhigtay dalalkii ka socday Waqooyiga Africa gaar ahaan kuwa Carabta .

Wadamada Carabta ah ee ka qeyb galaya sanadkaan koobka , Africa Cup Of Nations (CAF) ayaa waxaanu ka xusi karnaa dalalka Aljeeriya , Tuniisiya , Marooko iyo Masar . Afartaan dal oo lagu qadariyo ciyaaraha kubada cagta ayaa durbadiiba waxaa niyad jab lagu riday wadamada Tunisia iyo Aljeeriya oo guuldaro iyo barbaro kala kulmay Senegal iyo Zimbabwe.

Senegal ayaa 2-0 ku garaacday Tuniisiya halka Zimbabwe ay bareejo 2-2 ah ku qabatay Aljeeriya oo wadata xili ciyaareedkaan laacibiin qatar ah . Xulka Marooko ayaa caawa fooda dari doona dalka DR Kongo halka habeen dambe Masar isku balan san yihiin Qaranka Maali oo aad u adag .

Koobka Qaramada Africa oo furmay 14-kii bishaan waxa uu socon doonaa ilaa 5-ta bisha Febraayo 2017-ka . Wadamada loo saadaalinayo xili ciyaareedkaan ee ugu ad adag ayaa waxaa lagu sheegay dalalka Ivory Coast , Ghana , Masar , Aljeeriya , Senegal iyo Marooko .