WADAHADALADA HUBKA DHIGISTA CASRIGAN. Q.1aad. Qalinkii Axmed Cali Kaahin

0
804

 

WADAHADALADA HUBKA DHIGISTA CASRIGAN. Q.1aad. Qalinkii Axmed Cali Kaahin

 

 

Wadda hadaladu waa wadada  is faham iyo afgarad. Hadii doodu caafimaad qabto. ilina u dabnayn dhinac.

 

Balse mar  kale waa  hub ka dhigista ugu fiican ee bulsho lagu e keeyo. Suna iyo malabna  loogu qoosho.

 

Halka dhinaca kale u tahay fursad is hubayn is diyaarin iyo mashquulin jihaysan. Waa dabinka geerida una adag. sida falastiin ku socotay qarni ku dhawaad.

 

Imran Khan Raisal Wasaaraha Bakistaan waxa laga qoray daqiiqada aad tanasulka bilawdo, waa daqiiqada aad istaaga bilaabayso iyo  dib u noqoshada.

 

Waxa  lagu dasrayaa filimo iyo sawiro  xeelad dagaal yool habasbina oo madhan u muuqaal kalena huwan.

 

Marka Dagaalka la isku cadaysto ka guuldaraysto dhinac. Waxa loo wareegaa qaabkan  halista  badan ee wadda hadaladaa la hawlgaliyaa .

 

Istaadhka jabaqlda la’asnta leh halks shidaalka si hoosa loo jamirto, si  loo nasin socodka, baraaruga, jabaqda laga tirto, si dhagahoodu u maqlaan kaliya  miyuusiga  macaan ee waddahaddalada haddoodilan ee baanta ah.

 

Noocan baa ugu khatarsan xaga dhaawaca iyo saamaynta uu leeyahay ileen waa nabar aanad dhaadayne. Markuu igu dhaco uun baan baraarugaa. waar wadda hadaladii hore maxaa ka bisil oo aan ahayn khiyaamadii waynayd ee abid ina soo marta.

 

Waayo halkay taabanaysaa xasaasiya, oo ah  waxa dadka dhaqaajiya  iyo dareenka ku rakiban qalbiga naxariista iyo nacaybka soo butaaciya.

 

Markaa midna way isticmaalayaan oo nacaynka ah xagooda. Adigana Somalilana  naxariistaadaa la daarayaa si aad u sidaadii salbabakhdo.

 

Iska dhicin  duruufta bartay. Geerkaasina waxa inagu riday dheeldheelkii iyo dhimashsdii ay ina badeen. Taasoo gunuday oo maskadeena ku duubay cajalado waaweyn oo waligood duugoobayn. Markhaatina u yihiin nabadara ma guuraanka ku ah oogada dadka iyo baladkaba.

 

Duruufahaasi ma  masixmi karaan, isma dhalan rogayaan waligeeo oo waxay ku qotomaan qalbiyada malaayiin dad ah. Balse doqoniimadoodii hore haareenkii tu lamiday isku dayayan tanaana ka xun tii hore.

 

Si butaaca qalbigun loo badalo si uu usoo daayo dareen naxariiseed oo walaalnimo. Kaasoo aad inoogu baddan ilaa lixdankii . dareenkaasi baa laydh wali lagu daadiynaa hadda.

 

Wuxuu falay ma qirsana dareena ka xumaana xumaantii dhacday waligii muu qirin,  falkaana dawald sumadeed baa lagu galay iyo koox qawlaysato ah.

 

Wali batroolkaa jacaylka waa la inga baadh baadhayaa meel uu inala gaadhaba. waa halkii Cigaale halkii noo xanuuni jirtay wayna bogsatay.

 

Waxaa lagugu shubay walaalaynu nahay iyadoo midiyihii laguu lisanaayo adhigaa sii muuqdaa u dambeeyay, waa sababta munaafiqiinta uga cadaab iyo foagaan badan yihiin gaalada.

 

In ajende kuu hooseeya afkana boodh soo marsato. Waxa ugu liita kuwa, kuwaa u dhegraariciye ee halkan jooga raggu ama halkaasay tagaan ama halkanay sharaf ku joogaa.  Oo maalinba mashruuc yar oo calyo laga raadinayo caruurta laguma dhago barjeeyo.

 

Nin noqoo halkaa wax nool ka raadso. Nin noqoo halkan wax sharafleh ka raadso. Ama shacab xalaala ahaw dhanwalba.

 

Hadda dhacdooyinka caddaawadeed eed fasheen naga qanciya, waddahadal ha dambeeyee. Wasiirku Cawad qadiyadihii Hawada, Adhiga, DP, Kaalmadii reer Galbeedka, Xajkii, Xidhiidh jaridii,  waxa uu ku sheegay Qaran ilaalin,

 

Hooyada  waxba ogayn ee neefkii ay biilkeeda kala so baxaysay aad xanib is tidhi, ileen arsaaq la iskuma keen dhiibin, mana xanibi kartide, bal inaadeer qaran ilaalintaa horta ii sharax hooyada aad neefkii sanadka korinaysay biilkeeda u ka jar is tidhi.

 

Marka kaartada hore fashilanto ee ay midho dhaliwdo, waa in waddooyin kale la raadiyaa waana ta u haboon, nabdoon, kharashyar uguna khatarsan hadda iyo mustaqbalkana saamayntiisu sii riiqanto jiilal iyo wahti dheer.

 

Ummadani waxay ka soo kaban laa yihiin wixii qarniyaal dhisayeen, ee diyaaradihii dawladoodii loo dalbaday baabiinta magaalooyin dhan oo caasimad ku xigeenkii kow ka tahay, Lana adeegsaday ajaanib calooshood u shaqaystayaal majixin jixayaal maafiyo ah.  in dumarka iyo ciyaalka ku garacaan qoryihii waagaa ugu casrisanaa,

 

Wali maad aragtay masuul Somalia oo dhibtii iyo rafaadka kasoo gaadhay. Qof dhacdadaa Diyaaradah xusaya oo masuula Somalia arki maysid.

Nin dawee la lee yahay dambi uu badh leeyahay . marka laga reego Axmed dheere duulihii diiday duqaynta shacabka oo diyaaradiisii dajiyay duleedka xeebta jabuuta.

Halkaana qurbaha magangalyo waydiistay. Damiirkiisuna siin waayay in uu walaaihii oo aan waxba galabsan madaafiic diyaaro walwaalayaan dusha maatida kaga soo hurgufo.

 

Ahmed  oo hadda nool hargaysana lagu soo dhaweeyay wakhti uu soo booqday.

Qaar baaba been u haysta duqayntii diyaarada haa waa loo garaabi karaayoo wax maskaxda gali kara maaha shaqabkaaga duqee balse way dhacday oo waa xaqiiq anaana ka mid ahaa dadkii ka badbaaday.

 

Haddaba ninka Somaliga ah ee Duqayntii Diyaarada dhacdadaa been u haysta sideen u wadda hadli karnaa ama u heshiin karnaa. Iyagoo Tv yada waxaa ka sheega warar beena oo kusaabsan dhacdadan sida ka dhacday warbaahinta fadhigeedu London yahay nin ku casuunaa barnaamij TV.

 

Xataa wariye aan joogin baa dhacdada ayaa qari isle. Kala fogaa ragtidada dadku. Haddana anoo sidaasa I caashaq. Waa caqligee. Waa in dooda gogol dhig yeelataa intaan la galin toosna loo hor fadhiisan ilaa qodobo muhima aqbalyaan.

 

Waxa kasii darnaa wax yaabihii ka dhashay oo aanan la soo koobi karin sida

 

  • duqayntii dhamaan sanku neefla wixii dhaqaaq madaafiicda lidka diyarada dhulka loo jiifiyay maatidii guryahooda joogay ee aan hubaysnayn.

.ka baxsigi diyaarada oo dad badan ku le’deen,

  • kii qaxoontiga iyo inta qof qiime leh ee cudur iyo gaajadii qaxoontiga u leday caruurt iyo waalidiinba,
  • iyo kuwii markii dalku xoroobay dal jacayl awgii madax madax isku soo tuuray, kana soo cararay qaraamaadkii yaraa ee qaxootiga quudan jireen.
  • Miinada meelkasta ku aasnay, Alla maxaa caruur iyo ciroole ku le’day ama ku naafoobay oo ilaa maanta la duruufaysan,
  • waxa ka sii darnaa quutal daruuriga oo  il dakhli oo dhaqaale jirin iyo suuq wax lagu kala gadisto.
  • shaqo hadalkeed daa.
  • Dadkuna wax kastoo mood ah xaraasheen dhamaan wixii hanti maguurta ah ee ay  lahaayeen. si wax hunguriga la mariyo looga helo qiime hoose oo bakhsan lagu gadi jiray.

 

Taasoo xaaladii dalka ka jirtay iyo rafaadkii yaalay meel dagaal ka dhamaamay muddana socoday, nooc kastoo hubka ah loo adeegsaday dad iyo duunyaba,  qaxoontigu noqonayay jano badhtankeed baahidii bariga waddanka taalay.

Haddi Rabbi Swt. Idmo Q/2aad baa xigi.

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.com