Waayahaygii Xabsiga: Siciid Maxamuud Gahayr, Hargeysa 2018ka

0
1256

 

Waayahaygii Xabsiga: Siciid Maxamuud Gahayr, Hargeysa 2018ka

Ilaahay wedka inoo keeno innaga oo aan afkeenna ku aarsan.. In uu soo baxo qaybaha dambe ee sannadkan ayaan ku han weynahay idanka Eebbe.

Milicsiga weedho kala geddisan oo ku soo baxay xadhig loo geystay qoraha buugga.

“Ninkaas waxa loo hayaa caddaymo ku filan (more than prove) oo maxkamadda lagu horgeyn karo. Ninkaasi waxa cad in uu dembi galay sida uu qabo xeerka habka ciqaabtu. Ninkaasi dembi

 

cad ayuu galay, caddaymo buuxdana waa loo hayaa, markhaatina waa loo hayaa”
Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi Af-hayeenka Booliska Somaliland

“Waxa uu u xidhan yahay maqaal uu qoray oo uu aragtidiisa ku cabbiray. Haddii la isku qoonsanayo qoraallada dhaliisaha ah, malaha dad badan ayaa jeelasha ka buuxsami lahaa. Laakiin isaga si gaar ah ayaa loo beegsaday. Ilaahayna waxa uu yidhi in dulmiga la eegto maaha, waxaan ku baaqayaa in si dhakhso ah xorriyaddiisa loogu celiyo”
Jamaal Cali Xuseen, Siyaasi Weyn, Dhaqaaleyahan, Qoraa iyo Hal-abuur

“Kuwo qori sita ayaanu dalka ka xoreynnay, kuwa qalinka sitana waanu ka xoreyn doonnaa. Ma yeelaynno qalin-duurre budhcad ah oo dadka baadhaa in uu waxa uu doono qoro
Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland

“8dii Sebtember, wasiirka madaxtooyada Somaliland waxa uu saxaafadda madaxa-banaan ee Somaliland ku eedeeyey inay qasayso ammaanka Somaliland, isaga oo ku calaamadiyey inay yihiin malleeshiyo hubaysan oo u baahan in hub-ka-dhigis lagu sameeyo”
Baanki Moon Xoghayihii Guud Ee Qaramada Midoobay

“Waxa Hargeysa ka socota maxkamadda nin qoraa ahaan jiray oo Siciid Gahayr la yidhaahdo. Isagana fal nabadgelyo darro ah oo madaarka Hargeysa la xidhiidha ayaa lagu eedeeyay. Qareenno ayuu leeyahay, dacwaddiisa waxa si furan uga soo qaybgala bulshada, haayadaha xuquuqda aadamaha iyo shacabka”
Aadan Xaaji Cali Axmed Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaalilaan

“Wuxuu tobankaas cisho u xidhan yahay oo loo diiday in ay cidi booqato, oo loo diiday in ay cidi aragto oo uu xuquuqdiisa iyo xurmadiisa qofnimo ku waayay awood uu u adeegsanayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi”
Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga Waddani

Wallaahi aniga ayaa xidhay, meeshii aan masuulka ahaa ayuu wax ka sheegay. Cid kalena arrinka iguma weheliso. Markii uu Siciid qoraalka sameeyay ayaa siligga la jarjaray, taasna waxa aanu u aragnay in hadalkiisu dhiirri-gelinayo fawdada”
Md Maxamed Yuusuf Ismaaciil Maamulaha Madaarka Cigaal ee Hargeysa

“Wasaarad ahaan, waanu ka midaysannahay dacwadda Siciid Maxamuud Gahayr. Arrinkuna wuu dhaafay intii aan wax-ka-qaban karaynnay. Imaka wasiirro ayaa demin kara. Markaa maxkamadda ayuu kiisku ka soconayaa. Haddii isaga la sii daayo, qaar kale ayaa haamaha soo biyeysanaya. Si ay dadka kale ugu waano-qaataan ayaanu u gawracaynnaa”
Md Cumar Cabdillaahi Aadan Agaasimihii Guud ee Wasaaraddii Duulista

“Quruun waliba ruuxii anfaca, waa qaddarisaaye
Qaamuusyadaa lagu dhigaa, shay ka qaro-weyne
Haddii aan qoraa iyo abwaan, cidina qiimaynnin
Oo lagu qufulo kii hadlaba, waa qisiyo yaabe
Ragguse xadhigga kama qaysho iyo, shay la sii qoraye
Balse eex qalloocdiyo dulmigu, waa qombabiyaaye
Abwaan Saleebaan Sheekh Cabdiraxmaan Cashuur (Khilaaf-diid)