Waanada Sh Adam Siro, War la,aanta jirta iyo War-warkeyga

0
688

Sheekh Adam Xaji Maxamud Xiray (Adam Siro) waxaa u kamid yahay culimada ugu magaca iyo muuqa dheer dalka sidoo kalena wuxu yahay dadka faro ku tiriska ah ee dalkan iyo dadkan tacab muuqda iyo mid la mahadiyeyba galiyey,Waa sheekh Alle swc siiyey hibooyin badan oo ay kow ka tahay hirgalinta mashaariico waaweyn oo anfac u leh dalka iyo hagaajinta ilaalaha adeega bulshada oo diinteenu kow ka tahay.

Waa sheekh canaantiisa dad badan oo aan cadaalada jecleyni ciil iyo cadho ka qaadaan, marku wax toosinayo ama tilmaamayo, kama ah shaqsi naceyb balse waxaad ka dhex dheehan kartaa hadaladiisa kuwo ku qotoma qiimaha qarankeena iyo ka ilaalinta wax kasta oo carqalad galin kara xasiloonida iyo xushmada qarankeenu ku leeyahay mandqada aynu ku nool nahay.

Waxaad moodaa iney fahmaan wuxu ka hadlayo cida og Somaliland iyo sawirkeeda siyaasadeed sida uu yahay hadda iyo sida uu noqon doono

Sheekhu wuxu si cad runta ugu sheegaa muxaafid iyo mucaarid isagoo farta ku fiiqa kolba wixii fidno wado taasina waxay xasad iyo xumaan badan galisay dad badan oo si khaldan ugu fasira dadka wuxu sheekhu sheego.

Ma dhacdo dad badan oo dalkan aduunkiisa gurta iney dhag jalaq u siiyaan waxa Isaga u muuqda ama ha noqoto kuwo wadaado ah ama ha noqoto kuwo siyaasiyiin ah iyo sidoo kale qaar ka tirsan ganacsatada

Waxaad is odhaneysaa wuxu ugu lexe jeclo badan yahay kuwa gawaadhida gaashaaman lagu ilaaliyo ee hantida umadda gacanta ku haya ee land cruiser loogu adeego guryahooda, wuxu ku cel celiyaa waar dalkan u tudha waar dadkan eega!

Waxaa ila galay maqaalkan kooban waanadiisii oo wakhti walba taagan iyo isbadal aan ka muuqan qeybaha kala duwan ee bulshada sida siyaasiyinta oo leh muxaafid iyo mucaarid, ganacsatada, culimada laftirkeeda, iyo inta la idhaahdo caqliga iyo cilmiga ayey leeyihiin.

Waxaa jira dad u arko wadaad dhex gala waxaan habooneyn oo ka hadla siyaasada iwm, waxaan u aqaana aragtidayda shaqsiyanka ah inuu yahay halyey ku suntan qaranka lanaa dareemi doono qiimihiisa iyo qadarka uu leeyahay maalinta aynu wayno.

Wadaad kastaba umadda wuxu ugu jiraa kaalintii Nebiga swc waa hogaamiye ku xisaabtaba kolba waxa ka dhacay dhinacyadiisa iyo marxalada siyaaseed ee umaddu gasho , waa samafale, waa daaci diinta Alle ugu yeedha, dadka, waa damqade u damqada ducafada iyo danyarta durufaha nololeed hadheeyeen waana dige ka diga xumaanta aduun iyo ciqaabka akhiro wadaad ninkas ayaan u aqaan sheekhuna wuu leeyahay sifooyinkaas iwm

Waxaa war-war badan igu haya dalku xalku maanta marayo iyo maraxalada uu galay, sidoo marxalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay ku jiraan dalalka inala jaar ah, colaadaha ka holcaya yemen wim. Dawladii dalka iyo dadkaba loo dhiibay oo ay dul hooganayaan dhaliilo badan waxna ka odhan kari la

Sida, Musuq baahsan oo lagu boobay hantidii bulshada ka dhaxeysay, eex iyo qaraaba kiilnimo dib inoogu soo celisay marxalado qadhaadh oo qaranku ka soo gudbay, qabyaalad iyo kala ququb hor leh oo bulshada la dhex dhigay, Somalia weyn oo gacan bidixeyn hoose xukumaddu kula jirto sida wada hadalo madhaleys ah iwm iyadoo dhawaana uu  shaaciyey Sir-sidaha Wikileaks heshiish ay xukumadda Somaliland la gashay dawlada Somalia oo midnimo somaliyeed ah  taas oo wali ay dawladdu dhana u sibir saari laadahay, maamulkii dalka oo gacmo badan faraha ugu jiro, kooxaysi  ka dhex qarxay xukumadda dhexdeeda, doorashadii oo meesha laga saaray sid dalku khal khal u galo oo ummaddu isaga hor timaado, wakhtigii xukumadda oo dhacay iyo xal aan wali laga gaadhin, heshiishki xisbiyada oo meel mari kari la  iyo baylahyo badan oo ka muuqda umadda.

Waxay war war weyn iga galineysaa in dib loogu noqdo shir beeleedyadii iyo qol qol loo kala fadhiisto xukumaddana xaalkeedu waa cad yahow ku cunay ama ku ciideyey

Ee dadka lexejecladu ka hayso dalka sida sheekh adan iyo inta la aragtida ah ee aan ku jiro waxaan ugu baaqayaa in bad baado qaran loo baahan yahay sidanna aan lagu sii daawan Karin dalka maadaama oo ay jiraan kun dirawal oo gaadhigi la saarnaa kolba meel galinaya.

 

Garyaqaan Barkhad Jamac Xirsi batun

Email: Barkhad909@live.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here