WAABA KUWII OO SHANTII SANNO EE DHAARTU KA DHAMAATAY!

0
961

dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way  kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan  iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa  ku dhamaadee kaalay bal dhegayso.

 

Dhaqane:Waaba kuwii oo shantii sanno ee dhaartu ka dhamaatay!

 

Dhaashane:Oo maxaa dhacaya haday shanta sanno ee dhaartu ka dhamaato.

 

Dhaqane:sow kuwan heesta qaadaya la yidhaa:Xaalufiya yaa waddani. Imika waxay bilaabeen mashruuc la yidhaa:(Somaliland for sale) oy gebigii waddanaka xamar ka iibiyeen.dowlada imaaraadka iyo dowlada qadarna ay dilaaliin ka yihiin .Dilaalka somaliaya u hadlaa waa qadar .Dilaalka Somalilandna waa imaaraadka.waa sababta mr morgan looga dhigay safiirka.Waxaa u qorshaysan in 2017 la isku daro labada wadan.waa sababta saleebaan gaal ugu dheganyey April 2017.

 

Dhaashane:Waar wararkan aan salka iyo raadka toona laheyn xageed ka keentaa?Mise waxaad u haystaa in dadku wax kasta ood sheegto iska qaadanayo?

 

Dhaqane:Xataa prof.Axmed ismail samater baa niyad jebiseen .Oo markii hore dad daacad ah idin moodayey.Waar waxaa iga daayoo maxaa xildhibaan Hassan cawale caynaan ku disheen?xataa kii saleebaan faquuq kamuu hadlin.

 

Dhaashane:Waar saleebaan xuquuq dheh .faquuq kulahaa.waar horta ninka aanad doonayn maxaad magaca uga dishaa?Mida kale waxbaa la cunayey duun baad haysaa yaa kuu soo waramee baas?

 

Dhaqane:Dee adeer: Dulmigiyo xatooyada

                                     Anigoo doraad nacay

                                     Miyaan maanta daystaa?

                                     Siyaad baan ka diidnee

                                    Miyaan daawan karayaa?

Waa qallinkii:Baxnaan xaaji aden

                         Sweden