Waxaa aad iyo aad u layaab badan safarka AAMMUSAN ee qar iska xoorka ah isla mar ahaantaa aan QEEXNAYN ama MUHMALKA ah , ee safiirkii dawladda SOOMAALIYA (MUQDISHO ),u fadhiyey KENYA uu ku joogo waddanka SOMALILAND.
Ninkani wuxuu xataa qaadey tallaabo ISTUSNIMO iyo BADOWNIMO farabadani ka muuqato , oo isuma uu DHUUBIN sidii marti aan la jeclayn ,ee waxaabu tegey xeebta BATALAALE ee Berbera.
AW CALI AMEERICA iyo qayrkii oo in badan nagula dagaallamey CARRABKOODA ,QALINKOODA iyo shaqada uu u hayey waddankiisa ee DIPLOMACY-ga ah , raalli kama nihin inuu waddankayaga TAXTAXAASHO, oo weliba sawirro iskaga qaado dhulkayaga waana ay na dhibeysaa ILAA XAD .
Sababta ninkani dadka reer SOMALILAND uga qayliyeen oo aad ka arki kartaan in MEDIA-yaha uu aad ugu jiro ayaa ah:
- Markuu imanayey ee madaarka kasoo degey lama wareysan oo ismuu caddeyn wuxuu u socdo (Critical Point ).
- Markuu magaalada galey wuu ka dhuuntey SAXAAFADDA
3..Booqasho dabcan I ARKAAY , I MAQLAAY ah , ayuu ku tegey BERBERA isagoo sawirro iskaga soo qaadey BATALAALE iyo moofadii CILMI BOODHARI (ilaahay ha u naxariistee ).
Ugu danbayn ninkani waa saddex qodob midkood booqashadiisu
A..Cadow caalamka tusaya in somaliland aanay ka go,in soomaaliya oo uu isagoo DIPLOMACY, ah uu berbera BADDA CAGAHA SOO GELIYEY.
- inuu booqasho lala ogyahay ku joogo oo xukuumadda uu ka haysto ogolaansho, taas oo iyada qudheedu aan muwaadiniinta somaliland u caddeyn ujeeddada ku qarsoon .
SI KASTA oo arrimuhu yihiinba CALI AMERICA imaanshihiisa waxaa madow sii geliyey markii laga waayey sawiradii uu iskaga soo qaadey BERBERA isagoo COMMENTS raacinaya ama xataa uu iska diidey inuu ku qoro meesha uu joogo oo ah SOMALILAND.
Taasi waxay caddeynaysaa inuu dib u dhigtey ARRIN WEYN oo uu doonayo markuu meeshuu kasoo HANGA-GAAREY ee kasoo HINDI-WAASEY ku noqdo uu yidhaahdo waxaan tegey BERBERA IYO HARGEISA OO SOOMAALIYA KA MID AH WAANA LA IGUSOO DHOWEEYEY.
Arrinkaasina dabcan inuu yidhaahdo IXTIMAALKEEDU WAA 98% waana la arki doonaa (wixii jira allaah ayaan u reebanayaa ogaalkooda ).
Haddiise uu arrimo kale u socda ninkaasi kolleyba waa MARTI SOCOD XUN
ama waa ma XISHOODE WEYN . ,oo u baahan in la baro sida nin GODOB kugu leh la isaga dhuubo ama la isaga ilaaliyo.
YUUSUF MOHAMED ( YUUSUF DHEERE ) HOLLAND