Waa Maxay Sababta Uu Trump Uga Baxay Heshiiskii Nukliyerka Iran Ee JCPOA….W/Q:-Cabdinaasir Xasan Muxumed

0
11863

Waa Maxay Sababta Uu Trump Uga Baxay Heshiiskii Nukliyerka Iran Ee JCPOA….W/Q:-Cabdinaasir Xasan Muxumed

 

 

Marka hore layaab malaha inuu Trump ka boxo heshiiskii Nukliyerka Iran ee la magac baxay JCPOA (Join Comprehensive Plan Of Action), waayo waxa uu horey uga baxay heshiisyo kale oo qaarkood kan Iran ka mhiimsan yihiin. Heshiisyadaa waxa ka mid ahaa Heshiishkii Cimilada ee Paris ee koodhkiisu ahaa COP23, ee loogu magac daray UNFCCC (United Nations Framework Convenstion on Climat Change). Waxa uu ahaa heshiis caalami ah ee la xidhiidha deegaanka oo u jeedadiisu ahayd in lagaga hortago cimilida aduunka ee aadka u soo kululaanaysa taasoo ay cadeeyeen saynisyanahada aduunku in si dhakhso ah u sii kululaanayso kana dhigi karto aduunyadan mid aan lagu noolaan Karin. Kaligii ayuu
 

ka baxay isagoo u ololaynaya in ay kuwa kalena ka baxaan.  Inkastoo aanay la miisaan ahayn heshiiska Nukliyerka Iran, waxa uu ka baxay heshiisyo ganacsi, oo uu ka mid yahay TPP (Trans Pacific Partinership) oo USA qiimo badan ugu fadhiyey, balse uu arkey inuu khatar ku yahay waddankiisa sida uu ku qoray barta twitterkiisa.

Hadaba waa maxay sabata uu Trump uga baxay Heshiiskii Nukliyerka Iran (JCPOA). Si fudud hadaan jawaabta u dhigo, sadex arimood oo la isku geeyey sida shakhsiyadda madaxweyne Trump, fikirkiisa siyaasaddeed ee ku wajahan dunida kale, iyo balamo uu qaaday xiligii uu ku jiray ololihii doorashadii uu ku gaadhay xilka manta uu ahayo ayaa u sabab u ah inuu ka boxo heshiisyo caalami ah oo uu ka mid yahay kan ugu dambeeyey ee Nuklierka Iran (JCPOA).

Shakhsiyada Trump. Waa shakhsi ay saamayn wayn ku yeelatay heerka noloshiisa (social economic status) iyo samayskiisa rabaaniga ah oo mid had iyo goor raba inuu xaqiijiyo hamigiisa ah in rabitaankiisu aanuu xuduud ba yeelan. Ryne A. Sherman, Ph.D waa macalin psychology ka dhiga Florida Atlantic University. Waxa uu ku soo bandhigay maqaal uu kaga hadlayey shakhsiyada Trump mareegtaPsychology today. Waxa uu Trump ku sheegay 9 sifo, oo ay ka mid yihiin ‘Mischievous’ oo ku micneeyey in uu Trump yahay  dadka u badheedha khatarta isla marakaana aan rabin inay xuduudi soo celiso.  Waxa kale oo uu Ryne A. sheegay in uu yahay qof aan sharciga dan ka galin maskaxdiisuna ay xor tahay ‘Low on Prudence’ isla markaana aan jeclayn in ay cidi la sinaato ‘Low on Dutifulness’. Trump waa shakhsi neceb in awoodiisa ay wax xadeeyaan. Waa shakhsi raba inuu ka xoroobi cabsi iyo in wax loo yeedhiyo (Ryne A. Sherman, Pesonality of Donal Trump, 2016:https://www.psychologytoday.com/us/blog/the-situation-lab/201509/the-personality-donald-trump).

Arragtidiisa siyaasaddeed ee caalamku waa mid ka duwan madaxdii waddanka USA soo martay ama Jamhuri ama Demoqradi ka ay doonaan ha ahaadaane. Waxa isa soo taraysa cadaymo muujinaya inuu Trump yahay hogaamiye aaminsan fikirka loo yaqaano Realism. Sidaa waxa qaba aqoonyahano aad ugu xeeldheer siyaasadda caalamka kana dhiga jaamacadaha aduunyada oo uu ka mid yahay prof. John Mearsheiremer iyo Stephen M. Waltoo isaguna ah professor ka dhiga Xidhiidhka Caalamiga jamacada Harvard University (http://foreignpolicy.com/2018/04/17/has-trump-become-a-realist/). Mabda’a Realism-ku waa mabd’a aaminsan in maslaxadda waddankiisu ka horeyso maslaxadda waddan walba ama aduunyadda oo dhan. Waa sababta uu Tramp u diidayo qoxootyiyada waddamada aanuu ogolayn. Ma rabo in lasoo gaadho, waa sababta uu xidhiidhkii USA la lahayd Yurub hoos ugu dhigay. Waa sababta uu China diiradda ugu jeediyey. Waa sababta uu cashuurta tarrif u saaray birta iyo jaandiga ka yimaada waddamada China iyo Hindia. Waa sababta uu u soo afjaray ganacsigii xorta ahaa ee uu lalahaa woqooyiga America sida Canada iy Maxico. Waa sababta uu uga noqday heshiiskii ganacsiga ee TPP.

Waa fikir aaminsan in ay dunidan badbaadi karto uun cidii awood leh (military power), cidii kalena ay dulmanaan doonto, waddan, koox ama shakhsi kuu doono ha ahaadee. Taasina waa sababta uu Trump, u yidhi, ‘waxay ahayd in macalimiintu tababar qabaan islamarkaana hub haystaan si ay iskaga difaacaan cadawga soo weeraray.’ Hadalkaa waxa uu yidhi ka dib markii 15/02/2018, uu Cruz oo ahaa wiil yar oo dhalin yar ah oo ardayna ka ahaan jiray uu xabad ku furay arday dhiganaysay dugsiga sare ee Marjory Stoneman Douglas, magaalada Parkland ee gobolka Florida, islamarkaana uu ku dilay 26 qof.

Si ka duwan sida xisbiga Jamhuriga iyo Trump, ayey xisbiga Demoqradiga ahi uga fikiraan arrimaha caalamka. Inkastoo aanuu meel loogu soo hagaago oo rasmi ah lahayn, xisbiga dimoqradiga ahi hadana waa mid intabadan lagu sheego inuu aaminsan yahay Mabda’ liberalism oo waddanka intiisa badan uu aaminsan yahay. Waa mabda’a dhrigalinaya, wada shaqaynta quruumaha aduunka ee arrihama amniga, caafimaadka, ganasiga, waxbarashada iwm. Waa mabada’a aaminsan in la iscaawiyo, wixii khatar aduunka ku ahna dhinac looga soo wada jeesto. Waa mabda’ aaminsan in ayna dhibaato ahayn inta hub iyo nooca uu haysto waddan, ee dhibku yahay uun fikirka ay shucuubta waddamadu ka aaminsanyihiin waddamada kale. Sidaa darteed ay muhiim tahay in labadalo fikirka bulshooyinka caalamka oo laga dhigo mid nabadeed kuna dhisan dimoqraadiyada.

Madaxda sidaa aaminsan waxa ka mid ahaa Barak Obama. Isku soo wada duuboo dhamaan waxay u wada ordayaan in ay USA ahaato lambar wanka, ugu awood wayn, uga dhaqaalo wayn, ugu amniga badan oo aan ka warwarin khatar kale oo dibada kaga timaada. Hasa ahaatee, waxay ku kala duwan yihiin, Trump waxa maskaxdiisa ka bixi la hal su’aal mar walba: Anigoo ah wadanka ugu awooda badan, socodsiin kara wax kasta oo aan rabo, waa maxay sababta igu qasbaysa inaan galo heshiisyo ay ka muuqato tanaasul, naxariis iyo jileec? Waa maxay sababta anigoo awoodaas leh, waddan Muslim ah oo waliba qaatay shareecada Islamka oo khatar ku ah danahayga bariga dhexe iwm, aan heshiis ay iyaga dani ugu jirto ula gali karo?” Trump ma rabo inuu la galo Iran heshiis labadaba dani ugu jirto, hadii aanuu ahayn heshiis 100% ay dani ugu jirto isaga. Dhinaca kale aan kaa tuso sawir si fiican u sharaxaya kala duwaanaanshaha figradeed ee bulshada reer maraykan. Labada xisbi ee waddanka maamule, Jamhuriga (Republican/GOP) iyo Dimoqradiga (Democracy) bal u fiirso loogooyinkooda. Jamhuriga oo uu ka tirsan yahay madaxweyne Trump loogadiisu waa maroodi halka ay Dimoqradiga ka tahay dammeer.

Arinta sadexaad ee uu uga baxay Trump heshiikan waxa weeyi saamaynta ay Israa’iil  ku leedahay siyaasada USA (Israeli lobby) iyo Sucuudiga oo soo raaca. Markii uu Obama heshiiskan la sexeexday Iran, waddankii ugu horeeyey ee ka hor yimid waxa uu ahaa Isra’il, waxa ku xigay Sucuudiga. Isra’il si ay u jirto, arrinka 1aad ee ay tahay inay xaqiijiso waa in aanay jiri karin bariga dhexe (wadamada muslimka ah) waddan awood raadis ah si uu u helo hub u dhigma ka ay isra’il haysato  islamarkaana neceb jiritaankeeda. Taasina waa sabab ka mid ah sababihii loo dilay Sadam Xuseen, Qadaafi, Allah u naxariistee, xabsiga loogu hubsaday Mursi gii Masar, hadana Bashaaral Asad loo rabo in lagu daro liiskii madaxdii ka horesay ee iilka loo diray. Guntii iyo gabagabadii, Trump waxa uu heshiiska Nukliyerka Iran uga baxay Islawaynidiisa iyo kalsoonida uu ku qabo awooda wadankiisa iyo isaga oo muujinaya in USA wax walba awoodo; diirada siyaasadda caalamka uu ku eego oo ah Realism iyo Ta ugu weyn oo ah Ilaalinta mustaqbalka jiritaanka Isra’il.

W/Q: Nasir Hassan Muhumed (P#52)

nation003@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here