Waa Maxay Sababta Itoobiya Loo Yidhaahdo Lama Gumeysan? W/Q:Fadxigaraad Ciise

0
899

Waa Maxay Sababta Itoobiya Loo Yidhaahdo Lama Gumeysan? W/Q:Fadxigaraad Ciise

 

Ma Ogtahay In Magaca Itoobiya Macne ahaan Yahay (Mugdi Madow Ama Weji Gubtay Oo Madoobaaday)
Hadaba Waa Talyaaniga Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta sano (1936-1941)

 

Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos galeen gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama ay badbaadin, waxaanay ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey muddo shan sano ah (1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya,

 

Su’aasha ah Maxaa loo yidhaahdaa Itoobiya waa dalka keliya ee aan Afrika laga gumeysan. Arrintaas xeeldheerayaal Siyaasadeed waxay kaga jawaabeen Arinkaa, Gumeystayaashii reer Yurub waxay dib u gocdeen warqad uu Boqor Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in “markii quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in xeebta ay ka qabsadeen Muslimiin”. Taas ayaa dhalisay in Itoobiya lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah, In la siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay gumeysto, iyo in aan taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in Itoobiya uu Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu Gumeystey Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yidhaahdo waa, shan sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya. Sababtaas ayaa keentay in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro tariikhdaas, sidan: “five-year military occupation of Ethiopia by fascists”. Taas oo lagu xoojiyo odhaahda ah: Itoobiya waxay ku faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la gumaysan
“Ethiopia proudly claims to be ‘the only African country that has never been colonized'”. Halkii xaqiiqada laga qori lahaa “Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941) – ama (Italy colonized Ethiopia for five years).
FG: Boqor Menelek Waa Boqor itoobiya ka Arrimin Jirey Qarnigii 19aad, Qoomiyada Oromiyana Aad U gumeystay, Sidoo kale waa Boqorkii bixiyey Magaca Caasimada
Ee “Addis Ababa”Ubixii Cusbaa.

 

aqoonyahanfadxi@gmail.com