Waa Kuma Danjiraha Cusub Ee Somaliland U Fadhiyi Doona Imaaraadka Carabta?

0
790

Hargeysa-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa magacaabay wakiilka u fadhiyi doonta dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta Baashe Cawil X. Cumar.

Wareegto ka soo baxday xafiiska afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in Mudane, Baashe Cawil Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Baashe Cawil Cumar oo sannadihii u dambeeyey degenaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxbarashadii iyo waayaaragnimadiisa shaqo ku soo qaatay dalalka Soomaaliya, Maraykanka, Ingiriiska iyo Kenya.

Waxuu waxbarashadiisii hoose ilaa sare ku dhamaystay magaalada Muqdisho, ka dibna u wareegay dalka Ingiriiska oo waxbarashadii sare jaamacada Univeristy College London UCL (London University) ka galay, waxaana uu ku takhasusay maadadada Chemistry, ka dibna waxaa uu ka helay deeq waxbarasho (Scholarship) Jaamacada Manchester University, wuxuuna uu MSc ku sameeyay Petrochemistry.
Md. Baashe Cawil ayaa fursad u helay inuu shaqadiisii koowaad ka bilaabo markuu dhamaystay jaamacada, shirkada Thermo Fisher Scientific, xarunteeda Maraykanka, oo muddo gaadhaysa 10 sannadood u qaabilsanaa Research Scientist.

Ka dib waxay shirkadiisu usoo wareejisay dalka Ingiriiska magaalada Manchester 2007 kii, waxaana uu halkaa ku sugnaa mudo 4 sanadood ah, intii aanu usoo wareegin Narobi oo shirkad qaabilsan logistics uu ku lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here