WAA ILAAHAY MAHADII MADAXWEYNUHU HADUU WARAAQ NOO AKHRIYEY OO AANU CAJALAD SOO DIRIN.

0
609

Maalmahan u danbeeyey dalka xiisad ayaa ka taagnay xiisadaas oo u dhaxaysay xisbiyada mucaaridka iyo xukumada taas oo ku saabsanayd muranka ka dhashay mudo kordhinta iyo sidoo kale shirweyne qaran oo ay xisbiyada mucaaradka ahi ay ku dhawaaqeen.

Intaas uu socday murankaasi ayaan wax hadal ah laga maqal madaxweynaha dalka ee Axmed Maxamed Maxamuud oo ay dadku wada sugayeen in uu arintanka hadlo oo uu sheego cida xaq u leh in ay qaban karto mudo kordhin iyadoo masuuliyiiin badan oo mucaridka ka mid ahina ay saxaafada kala hadlayeen Madaxweynaha.

Manta ayuu madaxweynuhu dadka la hadlay isagoo waraaq nooga akhriyey in mudo kordhinta guurtidu ay sharci tahay iyo sidoo kale hanjabaad uu sheegay cidii dhinac martaa in uu la kulmi doono ciqaab daran intaas iyo in kale oo badan ayuu madaxweynuhu nooga akhriyey waraaq waana ilaahay mahadii mar haduu madaxweynuhu waraaq uga akhriyey shacabkiisa marlaxada uu dalka marayo.

Maxamed cali sheikh cumar

hargiesa somaliland

Mataan448@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here