Ururka ECOWAS oo ka fakiraya tallaab ka dhan ah Militariga Afgambiga ku qabsaday Niger

0
117

Ururka ECOWAS oo ka fakiraya tallaab ka dhan ah Militariga Afgambiga ku qabsaday Niger

Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Militariga Dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS oo fadhiyo aan dhammaad lahayn ka yeeshay go’aanka uu ku faragelinayo xukun-marooqsigaas dhacay.

Ilo muhiim ah ayaa sheegay in saraakiisha Militariga ee ECOWAS ay ka fakirayaan natiijada ka dhalan karta tallaab Militari oo ay ka qaadaan Ciidamada afgambiga sameeyay ee soo afjaray nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee la isku dooranayay.

Taliyaha Afgambiga ku dhawaaqay ayaa amar uu todobaadkii tagay soosaaray waxa uu ku sheegay in la xiray Hawada Dalkaas si ay uga hortagaan faragelinta Militari ee uga imaan karta Ururka ECOWAS ee dagaalka ku goodinaya.

Militariga Afgambiga ku qabsaday Niger ayaa diiday in uu sii daayo Madaxweynihii hore ee Dalkaas Maxamed Bazuum, go’aankaas waa midka gadaal ka riixaya in ururka ECOWAS uu qaado tallaab uu ku faragelinayo.