“Uma Dulqaadanayno Ciddii Ku Kacda Tabinta Wararka Been Abuurka Ah”Wasiirka Warfaafinta Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia

0
391

“Uma Dulqaadanayno Ciddii Ku Kacda Tabinta Wararka Been Abuurka Ah”Wasiirka Warfaafinta Dowlad Degaanka  Somalida  Ethiopia

Wasiirka Warfaafinta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo ka hadlayay xaaladda guud ee dalkaasi ku sugan yahay wakhti xaadirkan, ayaa waxa uu sheegay in uu dalkaasi ku jiro xaalad deg deg ah, taas oo ka dhigan in wax badan oo xuquuq ahaa uu hawada ka saarayo bayaanka xaaladda deg degga ahi.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirku in dagaalka ka socda dalka Itoobiya ee qorigga ahi, ka sokow uu jiro dagaal dhanka Warbaahinta iyo baraha bulshada ka socda, waxa uuna digniin u diray cid kasta oo faafisa ama gudbisa warar been abuur ah ama keeni kara isku dhaca dadka wada dega Itoobiya.

Wasiirku waxa uu xusay in Warbaahinnada qaar oo uu ku sheegay inay ku kaceen waxa uu ku tilmaamay isku dirka qawmiyadaha wada dega Itoobiya, iyo hadalo nacayb ah laga tallaabo qaaday, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inaan hadda kadib loo dulqaadan doonin, sharcigana la marin doono shaqsi kasta ama warbaahintii ku kacda wararka been abuurka ah, isku dhaca qowmiyadaha Itoobiya iyo hadallada nacaybku ka muuqdo, waa siduu hadalka u dhigay wasiirku.

Hadallada Wasiirka ayaa kusoo hagaagaya xilli dowladda Itoobiya ay dhaleecaysay qaar kamid ah warbaahinta ugu waawayn caalamka, sidoo kalena albaabada loo xiray telefishinka Nabad tv, xaruntiisa magaalada Jigjiga, sidoo kalena ay xiran yihiin qaar kamid ah wariyayaashii telefishinkaasi.