Ujeeddada Borama Loogu Qabanayo Shirwaynaha 6aad Ee Xisbiga Kulmiye by Abdishakur
Ujeedada 1aad ee shirwaynaha 6aad ee xisbiga Kulmiye loogu qabanayo boorama ayaa ah: Gogol dhiga shirwaynaha 6aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu fidiyay Madaxwayne Kuxigeenka JSL Mudane C/raxman Cabdilaahi Ismaaciil Ismaaciil (Saylici) oo kamid ah aasaa’sayaashii xisbiga Kulmiye ahna isbedelki ugu waynaa ee horseeday guushii xisbiga Kulmiye ee doorashadii 2010.
Ujeedada 2aad ee shirwaynaha 6aad ee xisbiga Kulmiye loogu qabanayo boorama ayaa ah: Madaxwayne Kuxigeenka ayaa markale ku suntan awoodii ugu cuslayd ee Xisbiga Kulmiye uu dheeraa xisbiyada kale ee la tartamayay doorashadii 2017kii maadaamo uu ku sudkan yahay khabiir qaran oo xisbiga kulmiye u ah Iskuxidhe
Ujeedada 3aad ee shirwaynaha 6aad ee xisbiga Kulmiye loogu qabanayo
Boorama ayaa ah: maammus iyo abaal-celin isdeeqsiintii Ree Awdal iyo xukuumada kulmiye oo marar badan ku dhawaatay kala fogaansho aan qaranka iyo midnimada Somaliland u wacnaan lahayn.
Ujeedada 4aad ee shirwaynaha 6aad ee xisbiga Kulmiye loogu qabanayo boorama ayaa ah: sabootin Madaxwayne Kuxigeenka JSL Oo dhamaystay mudoxileedkiisii dastuuriga ahaa ee 2bo xiliyeed doorasho oo Kuxigeen. Fursad ka saraysa mooye.
Ujeedada 5aad ee shirwaynaha 6aad ee xisbiga Kulmiye loogu qabanayo boorama ayaa ah: sidookale waxa iyana qayb ka ah in Madaxwayne Kuxigeenka oo gogol dhiga shirka leh uu si buuxda xisbiga Kulmiye & xukuumada oo madaxwaynahu hogaaminayo uusoo wada arkaan tabashooyin iyo baahiyaha ay qabaan Ree Awdal ee muddada dheer soo jiitamay.
Ujeedada 6aad ee shirwaynaha 6aad ee xisbiga Kulmiye loogu qabanayo Boorama ayaa ah: waxa kaloo iyana lagama tagaan ah is araga & wax iskaga ogaanshiyaha damaca hogaanka xisbiga iyo murashaxa madaxwayne xisbiga kulmiye.
6da qodob ayaa kamida sababta shirwaynaha 6aad ee Xisbiga Kulmiye loogu qabanayo Boorama. Qodabadaasi ayaa dhamaantood salka ku haya hab siyaasadeed wacan oo uu xisbiga Kulmiye siyaasadiisa cusub curad uga dhigay kuwaasoo kamida hilinada ugu haboon ee Xisbiga Kulmiye markale ku hanan karo hogaanka dalka haday arimahaasi sidooda u hirgalaan. Hadii rabi raali kanoqdo.
By. Cabdishakuur
Hargaysa. Somaliland .
gandeabdishakur@gmail.com