Turkiga Oo Qodobo Dalkiisa Maslaxad U Ah Yurub Ka Siistay Xakamaynta Qaxoontiga Suuriya

0
682

Brussels(halsan):- Hogaamiyeyaasha midowga Yurub ayaa kulan ay yeesheen waxay ku go’aamiyeen in malaayiin Euro iyo Fiisayaal la siiyo Turkiga, taas badalkeedana Turkigu xakameeyo qaxoontiga Suuriya ee dalkiisa soo maraya una gudbaya wadamada Yurub.

 

Midawga Yurub ayaa Turkiga ugu balanqaaday  mucaawimo dhan saddex Bilyan oo Euro($3.41billion), waxaa sidoo kale Turkiga loo fududeynayaa galista muwaadiniintiisa ee wadamada Yurub. Waxa sidoo kale la dardar galinayaa dib u eegista wada hadalada dalka Turkigu ku doonayo ka mid noqoshada midawga Yurub.

 

Hogaamiyeyaasha Yurub ayaa shir ka dhacay Brussels, waxay goor hore oo jimcihii ah ku sheegeen inay isla qaateen madaxweynaha Turkiga qorshe hawleed lagu horumarinayo 2 milyan oo qaxoonti Suuriya ah oo Turkiga ku sugan, sidoo kalena loogu dhiiri galin lahaa inay halkaasi joogaan.

 

Donald Tusk, kulanka guddoominayay ayaa sheegay in wada hadalka todobaadadan kula jireen madaxda Turkiga ujeedkiisu yahay sidii loo joojin lahaa Muhaajiriinta Asia ka imanaya soona dhex maraya Turkiga, kuwaasi oo Yurub u soo gudbaya..

 

Angela Merkel, hogaamiyaha Jarmalka ayaa sheegaysa in qorshahani yahay sidii qaxoontiga Suuriya meel dalkooda u dhaw lagu siin lahaa Mucaawimada Yurub lagu siin lahaa. Waxay sheegtay in hadda laga wada hadlayo halka laga keenayo lacagta Turkiga lagu caawinayo ee saddexda bilyan ee Euro dhan.