Borama( Halsan) :-Waxaa saaka magaalada magaalada Boorama markii ay ahayd sideedii subaxnimo, ayaa askari ka tirsan ciidanka Somaliland ku toogtay, xerada ciidamada ee loo yaqaan hubkadhigista oo ku taala degmada Boorama labbo askari.
Askariga oo magaciisa la yidhaahdo Salsal ayaa toogatay taliyihii ciidamada milatariga ee gobolka Awdal oo magaciisa la yidhaahdo Xassan Caqli, waxaana soo gaadha dhawac halis ah, waxaana hadda lagu dabiibayaa dhakhtarka Alxayaad ee ku yaalada boorama, waxaa isna halkaa ku geeryooday ilaaladiisii oo ahaa Xiddigle Farey.
Ilaaa hadda lama oga sobobta keentay in uu askaraigani toogto askarta kale, waxaana ciidanku ay soo qabteen goor danbe isaga oo ku dhuumalaysanaaya guryo ku yaala galbeedka magaalada Boorama.
Xidhiidh aan la samaynay madaxda gobolka ayayna noo suurta galin in aan warabxin faahfaahasan ka helno iyaga oo ku mashquulsan la tacaalida dhaawaca taliyihii ciidamada milatariga awgeed
Wixii warar ah ee ka soo kordha waxaan idiinku soo gudbinaynaa wararkeena danbe