Toogasho ka dhacday Banaanka Masaajid kuyaala Dalka Faransiiska+ Sawirada

0
695

Labo nin oo hubeesan ayaa toogasho ka geestay Banaanka masjid kuyaala koonfurta dalka Faransiiska, waxaana toogashadan uu khasaaro kasoo gaaray dad ku sugnaa banaanka masaajidka.

Ina la xaqiijiyay sideed qof ayaa ku dhaawacantay toogashadan ka dhacday banaanka masaajidka Arraxma oo ku yaalla magaalada Avignon oo kutaala Koonfura dalka Faransiiska.

Labo nin oo hubeesan ayaa la sheegay in rasaas xoogan ku fureen dad salaad kusoo dukuday Masjidka Arraxma sida uu baahiyay wargayska La Provence newspaper ee kasoo baxa dalka Faransiiska.

War kasoo baxay booliiska Faransiiska ayaa lagu xaqiijiyay dhacdadan dadka Muslimiinta ah lagu weeraray in ay ka dambeeyeen labo qof , waxa ayna booliisku sheegeen in aysan dhacdadan ula dhaqmaynin sidii mid argagixiso.

Dadka weerarkan ku dhaawacmay ayaa la sheegay in afar kamid ah a ku sugnaayeen banaanka Masaajidka halka afarta qof oo kale oo isku qoys ah gurigooda ugu tagay firirka rasaasta ay fureen raga hubeesan , waxaana dadka dhaawacmay ku jira gabar 7-sano jir ah.

Muslmiinta kunool dalka Faransiiska ayaa mudooyinkii dambe la kulmayay naceyb kaga imaanayay dadka cunsuriga ah, waxaana weerarkan ka dhacay banaanka Masjidka Arraxma uu cabsi hor leh ku beeray dadka Muslimiinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here