Tog-wajaale oo loo magacaabay maamul cusub

0
126

Tog-wajaale oo loo magacaabay maamul cusub

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii, gudoomiye kuxigeenkii iyo xoghayihii degmada tog wajaale ee gobolka gabiley.

Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha ayaa usoo magacaabay sedex masuul oo cusub.

1.Macalin Mukhtaar Aw Muuse Xassan Kooshin (Cawil). Gudoomiyaha Degmada wajaale.

2.Eng Mursal Sh, Axmed Cabdilaahi Gudoomiye xigeenka Degmada

  1. Cabdi Khadar Cige Camuud. Xoghayaha Degmada.

Xubnaha cusub ee loo magacaabay maamulka degmada wajaale ayaa ah masuuliyiin aqoonyahan iyo iskugu jira xubno mudo dheer kazoo shaqaynay horumarinta magaalooyinka.

 

Gudoomiye cusub ee degmada wajaale Mukhtaar aw muuse (Cawil) ayaa kamid ah macalimiinta mudo ardayda caasimada hargaysa wax barayay kana mid ahaa macalimiinta ugu caansan dalka, kaasi oo la filayo in uu hormuud ka noqdo horumarka ay tabayaan shacabka reer wajaale.

Halka gudoomiye kuxigeenka cusub ee degmada wajale eng mursal sheikh axmed uu kamid ahaa masuuliyiintii mudada dheer ka shaqaynayay dawlada hoose ee caasimada hargaysa

Xoghayaha cusub ee isna loo magacaabay degmada wajaale Khadar cige. ayaa kamid ah ganacsatada magaalada wajaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here