Todoba Somali Ah oo Ku Geeriyootay shilkii shalay xajka ka dhacay ugu yaraan inta illaa hadda la ogyahay

0
552

Maka(Halsan):- Ahmed Aadan Digaal (Ahmed Safiina) oo ka mid ah Soomaalida ku sugan xajka ayaa VOA u sheegay in la xaqiijiyey in toddobo Soomaali ah oo afar ka mid ah Kenya ka yimaadeen ay ku dhinteen xagga saddexda kalana ka yimaadeen Soomaaliya, balse sheegay in tirada dhimashada ee xujeyda ku dhimatay is-buurashadii shalay dhacay ee Soomaalida ah ay ka badan karto in hadda la ogyahay.
Ahmed Safiina ayaa sheegay in weli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu oggaado tirada rasmi ah ee xujeyda ku geeriyooday shilkii shalay xajka ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here