TIX GAABAN OO DUCO AH “GALLAD EEBE" BY BOQOR CAWAALE

0
2316

TIXDAN GAABAN EE DUCADA AH, OO LA MAGAC BAXDAY “GALLAD EEBE” SOONA BAXDAY CAAWA OO AY BISHU TAHAY 8dii MAY 2016

Waagii Go’iyo , Gabalkii dhacaba
Guulow adaan, gondahaaga nahay,
Gayi oomanaa, gidigiis adaa,
Gu’ goo noo curtiyo naxariis an gudhin
Gibil roob ahoo, goonyaha ka siman
Goglay oo dhigoon ku garwaaqsanee
Mahad naga gudoon……………………..

Galabtana waxaan, gacmahayga sare
Guuloow u dhigay, gafkii naga dhiciyo
Gufaacada qabiil, Gilgilkiyo xumaha
Gabigood dadkanu, guntaduu ku jiro
Goob iyo fardaar, Gocashiyo xanuun
Goor iyo ayaan, la gadoodsanahay
Gabigeed tirtood, naga gaasirtaa.

Galabtiyo markale, waxan gocanayee
Guuloow baryada, Gunta uga unkeen,
Geeraaradiyo, maangasadan gim-giman
Gaar kaaga dhigay, galadaada wayn
Gurmad aan u rabo, gayigiyo dadkoo
Gadhwadeenadii, maatidan gilgilan
Gondahooda xumo, Golcastii timaad
Godob sii dhex wada, gabigood inaad
Garaadkoodan maqan, Galad noo tustaa

AAAAAAMIIIIIIIIIIIIIN!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here