Tirada dadkii xajka ku dhintay sanadkan

0
30

Tirada dadkii xajka ku dhintay sanadkan

 

 

Labada magaalo ayaa xudun u ah gudashada waajibaadka xajka ee shanta maalmood ah.

Xarun daweyn oo ku dhow buurta Carafa ayaa laga diwaan galiyay 225 xaaladood oo kulayl la xiriira, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Sacuudiga ee rasmiga ah.

“Waa arrin jir ahaan xanuun badan, laakiin ruux ahaan aad ayay u kacsan tahay,” Neron Khan, oo kamid ah xujeyda isla markaana ah Canadian ayaa u sheegtay AFP.

Waxay intaa ku dartay in inta lagu guda jiro qaar ka mid ah acmaasha, ay ku jirtay “xaalad daal iyo kuleyl ah”.

Xajka ayaa dhammaan doona maalinta Arbacada ah. Saraakiisha Sucuudiga ayaa sheegay in qayb ka mid ah tallaabooyinka lagu yareynayo kulaylka, ay sameeyeen meelo badan oo cimiladu aad ugu kululeyd. Waxay qaybiyaan biyaha, waxayna u soo jeedinayaan xujayda sidii ay isaga ilaalin lahaayeen qorraxda.

Wasaaradda caafimaadka Sacuudiga ayaa sidoo kale soo saartay la-talin, iyadoo ka codsatay xujeyda inay iska ilaaliyaan inay bannaan joogista saacadaha ugu kulul ee maalintii inta u dhexeysa 10:00 iyo 16:00.

Sannadkii hore, ugu yaraan 240 qof ayaa dhintay. Musiibadii ugu xumayd ee ka dhacday Xajka, burburkii dhacay 2015-kii ayey ahayd iyada oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 2,000 oo qof.

Xajka oo ka mid ah isu imaatinka ugu waaweyn Muslimiinta, waa mid ka mid ah Shanta Tiir ee Islaamka. Dhammaan Muslimiinta ayaa laga doonayaa inay sanadkiiba mar gutaan haddii ay jir ahaan iyo dhaqaale ahaanba awoodaan.

Xajka ayaa Muslimiinta u ah fursad ay ku xoojinayaan imaankoodaa, loogana dhaqayo dunuubta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here