Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Maamulka Puntland ayaa maanta oo Axad ah soo saartay Warqad looga joojinayo Telefisinka Universal in uu ka howlgalo deegaanada uu ka arimiyo maamulka Puntland. Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Telefishinka Universal baahinta warar been abuur ah iyo iska hor keenida Shacabka iyo Maamulka, waxaa sidoo kale Puntland ku eedeesay Universal in amaankooda uu khal khal galiyay. Halkan ka Akhriso Warqada deegaanada Puntland looga mamnuucay Universal Tv |