Talo Qaran iyo laba qodob oo Sir ah oo Ku wajahan shir weeynaha Xisbiyada mucaaradka

0
553

Bismillahi Raxmani Raxiim S/c,ku soo dhawaada Talo bixintan.

waxaan idiinku hanbalyaynaya shirka idiinka socda Hargeysa.waxan idiin rajeynaya in uu guul idiinku dhamado oo aad ka soo sari dontan qodobo wax ku ool ah waxan jecelahay in aan idiin soo gudbiyo Talo bixin kooban oo wax ku ool ah.waxa hortiina yaal laba talo oo qadhaadh in aad kala doorataan:

1-in aaydin Guurtida teeda u yeeshaan idinka oo eegaya duruufaha adag iyo ujeedada ka hor imanaysa qadiyada Somaliland ee aay abuurayso xukumada Siilanyo ee waqigeedi dhamaday.wayo waxa inoo muhiim ah in aynu xamilo waxayaba aynan jeclayn ee inaga horyimada inaga oo eegayna Himilada umada ee danbe waxaan qabaa dulqaadka shacabka iyo dulqaadka xisbiyadu waa guuldarada Xukumada Siilanyo.

2-Xukumada Siilanyo waxay Ixtirami wayday Distorkii,Xeerarkii dalka u yiil,xuquuqdii Bulshada iyo hanaankii doorashada.Madaxweynuhu waxuu duudsiyay xuquuqdii Bulshada iyo xuquqdii xisbiyada qaranka sida awged waxuu mutaystay in Bulshadu ixtirami waydo xuquuqda madaxweynuhu bulshada ku leeyahay iyo weliba in bulshadu ixtirami waydo xuquuqda ay leyihiin la’amaha kala duwan ee dawliga ah ee ilaaliya kala danbaynta Bulshada iyo sharciga ee madaxweynuhu soo doortay.aniga oo sidaa u ogsoon waxaan ku talin lahaa in aad qaadataan Talada kowaad ee aan kor ku soo xusay.

waxan qaba in laydinka bahanyahay in aydin uga fekertan si feejigan waxa loo bahanyahay in aydin qadatan go’aan adag oo Bulshadu ku qanacdo waxa loo bahan yahay in aydin muujisaan xilkasnimo iyo weliba dulqaad wadaniya deed.Xisbiyada Macaaradka iyo Madasha waxaan idin leyahay idinku ka hortaga oo la dagaalama durufaha adag ee xukumadu aburayso ee ka hor imanaya ujeedada iyo Himilada Umada.

Amiirka Muse Mohamed Hagi Duale(Gaadhane)
Birminham Uk.duale@hotmail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here