Taliyaha Ciidamada Liyuu Booliiska Oo Fagaare Ka Hadlay

0
870

Taliyaha Ciidamada Liyuu Booliiska Oo Fagaare Ka Hadlay

 

 

Jigjiga(Halsan) :-Hogaanka Nabad Galyadda Ahna taliyaha ciidamada Liyuu Booliiska Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdiraxmaan Cabdilaahi ayaa markii ugu  horeysay intii ay rabshaduhu ka dhaceen Magaaladda Jigjiga iyo deegaamo kale lagu arkay fagaare.

Waxa uu si adag u cambaareeyay rabshadihii ka dhacay Deegaanka, waxaanu xusay in ay adkayn doonaan nabad galyadda.

Sidaasna waxa uu ka sheegay shir lagaga hadlayay amniga oo ka dhacay Magaaladda Jigjiga waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Ujeedada shirkan ay hay’addaha nabad galyaddu isugu yimaadeen wuxuu ahaa sidii nabad galyadda deegaanka loo sii adkayn lahaa, waxaana shirkan ka soo qayb galay dhamaanba hay’adaha nabad galyadda ee Deegaanka iyo Federaalka.

Sida aynu la wada soconina hay’adaha nabad galyadda shaqadoodu waxa ay tahay in ay sugaan amniga shacabka, si uu shacabku markaa nabad galyona ugu baxo, nabad galyona ugu soo galo” ayuu yidhi

Waxa uu Hogaanka Nabadda Galyadda iyo ahna taliyaha ciidamada Liyuu Booliiska ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdiraxmaan Labo Go’le uu sheegay in uu aad uga xun yahay  rabshadihii dhawaan ka dhacay Magaaladda Jigjiga “Dhibaatadii ka dhacday deegaanka ee Heer Gobol iyo degmo oo sababtay in ay dad aan waxba galabsani ku dhintaan aad baan uga xunahay, aadna waanu u cambaaraynaa.

Hay’adaha nabad galyadda waxa aanu isla qaadanay nabad galyadii in aanu si wada jir ah u sii adkayno, isla markaana aanu gacmaha is qabsano” ayuu yidhi