Taliska Ciidanka Booliska Jsl Oo Digniin Culus Udiray Dadka Caadaystay In Ay Rashka Ku Qarxiyaan Goobaha Bulshadu Ku Kulanto!

0
100

Taliska Ciidanka Booliska Jsl Oo Digniin Culus Udiray Dadka Caadaystay In Ay Rashka Ku Qarxiyaan Goobaha Bulshadu Ku Kulanto!

 

Taliska Ciidanka Booliska JSL , waxa uu ka digayaa dad dhawaanahan caadaystay inay qarxiyaan Rashka kuna  tuuraana Suuqyada , Masaajidada , iyo goobaha dadku ku  badan yahiin , taasi oo nabadgalyada wax u dhimi karta xilligan lagu jiro u diyaar-garawga maalmaha Ciida.

 

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland , waxa uu bulshada ugu baaqayaa inay ka waantoobaan waxyabahaasi amniga khalkhal gelinaaya , qofka lagu qabtana waxa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan. dadweynahana waxaanu ka codsanaynaa inay nala soo wadagaan haddii ay arkaan dadka  falalkaasi wada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here