TACSI:- MAREEGTA HALSAN MEDIA GROUP WAXA AY TACSI U DIRAYAAN EHELKII IYO QARAABADII UU KA BAXAY SHEIKH CABDILLAAHI DIIRIYE SOORAAN.

0
635

Hargeysa(Halsan)- Alle ha u naxariistee Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan, ayaa xalay goor danbe ku dhawaad salaadii subax ku geeriyooday magaalada Hargeysa kadib markii uu muddoba ahaa mid xanuun la jiifa.

Sheikh Sooraan, ayaa muddooyinkii u dambeeyay Mu’addin ka ahaa Masjid ku yaala Magalaada Hargeysa, waxaanu hore kaalin laxaad leh uga soo qayb qaatay fanka Soomaalida.

Hadaba dhamaan hawl wadeenada shabakadda wararka ee wajaalenews ayaa tacsi u direysa dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay sheikh cabdillaahi diiriye sooraan iyo dhamaan shacab waynaha soomaaliland.

Sheekhu mudooyinkii u danbeeyey waxa uu ahaa dhul yaal isagoo xanuunsanayey mudana ku jiray dhakhtarka iyadoo markii danbe laga saaray dhakhtarka oo la geeyey gurigiisa oo ku yaal magaalada hargeisa isla halkaana manta ay ugu timid tiisii xaqa lahayd.

ILAAHAY QARBRIGA HA U NUURO NAXARIISTII JANO HA KA WARAABIYO……..AAMIIN…….AAMIIN………..AAMIIN…….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here