TACSI KU SOCOTA SHACABKA SOMALILAND IYO DJIBOUTI GEERIDII KU TIMID GANACSADA IBRAHIM CABDI KAAHIN

0
583

Ujeeddo: Tacsi

Aniga oo ah Cabdirasaaq Askar waxa aan ka  tacsiyadaynayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, ganacsatada iyo shucuubta dalalka Somaliland iyo Jabuuti geerida ku timi Alle ha naxariistee ganacsade Marxuum Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo ku geeriyooday dalka Jabuuti maanta (12/11/2015).

Waxa uu ahaa  Marxuum Ibraahim Dheere maalqabeen magac ku lahaa guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, isla markaana waxtar fara badan ku lahaa horumarka bulshada ku dhaqan Gobolka, gaar ahaana door wayn kaga jiray dalalka Jabuuti iyo Somaliland.

Ugu dambayntii,  waxa aan Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa. Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here