Tababaraha Chelsea Jose Mourinho Oo Ku Eedeeyey In Arsene Wenger Diiday Inuu Salaamo Isaga

0
619

Hargeisa (Halsan )Jose Mourinho ayaa ku dooday inuu Arsene Wenger uu isagu diiday inuu salaamo ka dib kulankii Community Shield ay kooxda Arsenal guusha kaga gaadhay kooxda Chelsea oo ay kaga adkaatay 1-0 , goolkaas oo u dhaliyey Alex Oxlade Chamberlian qeybtii hore ee ciyaarta .

Jose Mourinho aya isaga oo ka hadlaaya sheegay sida ay masuuliyada macalinimo iyo habdhaqanka macalinimo ay tahay inuu u diyaargaroobay inuu salaamo guulaystayaasha balse macalinka kooxda Arsenal ee Wenger uu isaga ka dhago adeygay inuu salaamo isaga , Jose Mourinho aya isaga oo ka hadlaaya yidhi ‘’ ka dib markii u dhammaaday wakhtiga caadiga ah ee ciyaarta, annigu waxan u diyaargaroobay sidii aan u sameyn lahaa sidii ay ahayd hab dhaqanka macalinimo anniga oo u diyaargaroobay sidii aan u salaami lahaa ugu hanbalyeyn lahaa ciyaaryahanada guulaystay balse Arsene Wenger jihadeyda umuu soo socon ‘’ sida waxa yidhi jose Mourinho oo ka oo ka hadlaayey eedayntii loo soo jeediyey ee ahayd inuu isagu diiday inuu salaamo Wenger .

Jose Mourinho iyo Arsene Wenger aya taariikh aad u xun oo cadaawad leh , iyada oo marka laga tago hadalada ay isku mariyaan saxaafada xitaa gacmaha iskula tagey .

Arsen Wenger aya isaguna dhinaciisa sheegay in uu isagi xushmad u hayo dhammaan macalimiinta isaga oo ka hadlaayana waxa u yidhi ‘’ Annigu waxan xushmad u hayaa dhammaan tababarayaasha oo dhan ‘’

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here