Taariikhda Marwo Edna Oo Ka Mid Ah Hormoodka Bulshadda Somaliland
Adna Aadan Ismacil (Adna Aadan Dhaqtar)
Taariikhda dhalashada 08-Sep-1937.
Drs: Adna Aadan Ismaaciil (Adna Aadan Dhaqtar), waxa ay ku dhalatay Magaalada
Hargeysa, AHUN Aadan Dhaqatar Aabbaha Adna waxa uu ahaa dhaqatar dadka daweeya, sidaas awgeed waxa ay ku soo kortay kuna soo barbaartay guri caafimaad.
Waxa ay ku hana qaadday kuna ababtay Jamhuuriyadda Jabuuti, oo ay la joogtay Habaryarteed oo Jabuuti ka ahayd macalimad ama Bare.
Waxbarashada;
Waxbarashadeeda waxa ay ka billowday magaalada Jabuuti, Afka faransiiska ayay wax ku baratay markeedii hore,
1953- ayay Bare ka noqotay dugsigii ugu horreeyey ee laga furo Somaliland (British protectorate), kaas oo ay wax ku baran jireen dumarku,
Waxa ay wada-shaqeeyeen
barayaashii Ingiriiska ahaa ee xilligii gumeystaha.
Waayo-aragnimada iyo Shaqada;
August-1961-dii, ayay ku soo Somaliland
Isla sanadkaas ayaa lagu wareejiyey qaybta dumarka ee Isbitaalka guud ee Hargeysa
1963-dii ayay Xamar tagtay oo waxa ay ku shaqeysay Macalinnimo, waxa ay bare ka noqotay Iskuulka UNICEF ee Muqdisho
1964-kii Ururka bisha cas ee Soomaaliyeed ayay ka noqotay xog-haye guud
Waxa ay la shaqeysay QM, waddanka Liibiya ayay kala shaqeysay Hay’adda WHO, waxa ay tababartay Umulisooyinkii ugu horreeyey ee Libiya,
1969-kii markii ciidanku afgenbiyey xukuumaddii Raisal-wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo ay Drs Adna ahayd Marwadiisa ayaa waxa soo gaadhey dhib weyn oo xadhig iyo hanjabaad isugu jiray, sidaas awgeed waxa ay kadib dhibaato weyn qaadatay in ay shaqeysato oo xirfaddeeda caafimaadka ku sameysato dhaqaale ay ku noolaato.
Markii la dilay madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke waxa ay joogtay London, halka Raisal-wasaare Cigaal oo ay u dhaxdayna la xidhay, iyada oo ka timid London ayay timid Muqdisho halkaas oo xukunkii ciidanku qabteen kadibna ay ku xukumeen xabsi guri muddo 6 bilood ah.
Xadhiggaas kadib waxa ay shaqo caafimaad gaar ah ka sameysatay jidka makka Almukaramah (Via makka Almukaramah), waxa ay halkaas ka furatay Farmasiga Adna.
1971-kii ayay ka shaqeysay isbitaalka booliiska ee Madiina ee Muqdisho.
1976-kii ayaa lagu qoray in ay gasho oo ku qaadato tababar xerada Botiko ama Xalane
Ciidankii Cali Halgan ayay ka mid noqotay, halkaas ayayna ku dhammeysatay tababarkii ciidankii ee qasabka ahaa, xilligaas oo xukuumaddii ciidanku isu diyaarineysay in ay gasho dagaalkii 1977-dii ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
1985-kii Isbitaal weyn ayay ka dhistay Muqdisho, deegaanka Booli qaran, kaas oo loo yiqiin Edna Aadan.
1986-kii ayay noqotay la taliyaha WHO ee 21 waddan, Xafiiska Qaahira ayaa looga yeedhay, halkaas ayay tagtay, oo ay muddo kala shaqeyneysay WHO.
1998-dii ayay ku soo laabatay Soomaaliya, waxa ay kamid noqotay dadka u ololeeya gooni isu taagga Somaliland,
Mar kale ayay 1998-dii Isbtitaalka weyn ee Hooyada iyo dhallaanka ee Edna Hospital ka dhistay magaalada Hargeysa.
Sidoo kale waxay soo noqotay Wasiirada Wasaaradda arrimaha qoyska iyo arrimaha dibadda Somaliland ee xukuumaddii Daahir rayaale, intaas ka dibna waxay hirgalisay Jaamacad caafimaadka lagu barto oo ay u bixisay Edna Aden taas oo ay dufcado badan oo ardey ahi ka soo baxeen.
Iminkana waxa ay haysaa xilka ergayga gaarka ah ee somaliland u qaabilsan wada hadalada soomaaliya, xilkaas oo uu u magacaabay Madaxweynihii hore Ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
FG: Adna Aadan Dhaqtar alle cimriga haw siyaadiyee waa qof wax tar leh oo qaayo badan, tixgelinna ka mudan dadka Soomaaliyeed, waliba in ka badan inta gaalka cadi xushmeeyo ayay ka mudan tahay dadkeeda.