Taariikhda Labadayda Waalid by Farduus Maxamuud
Magacaygu waa Farduus Maxamuud Siciid, waxaan halkan kaga hadlayaa sida ciwaan ka muuqataba waalidkay oo kala ah Hooyaday Aamina Maxamed Cabdilaahi iyo Aabahay Maxamuud Siciid Maxamed.
Labadayda waalid qiime weyn ayey agtayda ku leeyihiin, ilaahay ayaa quraankiisa ku sheegay qiimahooda iyo kaalinta ay ku jiraan, anigana labadayda waalid waxan ka aaminsanahay inay guteen waajibaadkii ka saarnaa noloshayda iyo nolosha caruurtayada oo dhan.
Alle haw naxariistee Hooyaday Aamina Maxamed Cabdilaahi dhawaan ayey ku geeriyootay shil dab, aabahay ayaa isku dayey inuu badbaadiyo kaas oo isaguna gubtay balse, dhibaatadii ka soo gaadhay hooyada dabkii qabsaday ayey u geeriyootay halka aabahayna loo haysto inuu isagu dhimashadeeda
ka dambeeyey, booliska ayaa baadhaya kuwaas oo aan wali cadayn hayn, sheekadana iyada oo dhamaystiran ayaan suu gudbinayaa, qiyaamaha ma saamaxayo cida aabahay ka soo horjeeda.
Hooyaday iyo aabahay aduunka ayey iskugu jeclaayeen waligoodna namay darxumayn, maanta oo aan anigu ugu weynahay caruurtayada oo aan 15 jir ahayna wax walba way I bareen iyaga mooyaane cid kale igumay tabcin, maantana hooyaday waan waayey balse waxaan u hadlayaa aabahay oo saq dhexe badbaadinta hooyaday u gubanayey.
Waalidkay waxay ahaayeen kuwo tacab badan na galiyey maantana waxaan xariifad u noqday waa cilmiga ay u bareen, aabahay iyo hooyadayna jacaylkooda cidina ma qiyaasi karayn, geeriduna waa xaq balse waxa maanta ceeb ah in geerida hooyaday iyo guurkeedii la soo hadal qaado.
Aabahay waxa uu ahaa uu ahaa hadana yahay mid na jecel, Hargeysa oo dhulkayagii ah waxa uu noo geeyey inaanu noqon caruur quraanka xifdida oo diinta iyo dhaqanka labadaba garanay, waanigaa maanta u hadlaya aabahay oo aan waligii cidna naga jeclaan, markii aanu Hargeysa joognay wuu na soo wici jiray marka uu shaqada joogo, aabo sidee tihiin, hooyo ka warama, ma akhrideen casharkii, home work maka shaqayseen, sidaas ayuu noola dardaarmi jiray isaga oo na ilaalinayey anaga oo 7 sanadood dalkii hooyo joognay, waanigaas ku hadlaya luuqadaydii soomaaliga, ciyaalkii hooyaday igaga tagtayna gaalada ka celinaya, mana aqbali karo cid waalidkay wax xumaan ah ka sheegta, aabahay ayaa maanta noole alle gaalada hayga soo furfuro, waanan garab taagnaanayaa inta ay igu qaadanayso inaan u hadlo si laygu soo daayo.