Taariikhda iyo Macluumaad kooban oo ku saabsan dalka Biljimka.

0
936

Dalka Biljimka waxaa loo yaqaan jamhuuriyadda dadka ee Biljimka waxaa uu ku yaala galbeedka qaaradda Yurub.

Dalkaan aanu ka sheekaynayno ee Biljimka waxaa uu xaduud dhuleed la leeyahay wadamada Faransiiska Jermalka, Holland iyo Luxemburg waxaana bedka dhulka dalka lagu qiyaasaa 30,528 km oo isku wareeg ah.

Caasimada wadanka waxaa la yiraahdaa Brussels oo sidoo kalena ah magaalada wadanka ugu weyn.

Tiradad Biljimka ah waxaa lagu qiyaasaa 11 million oo ruux calanka wadankana waxaa uu ka kooban yahay Sadex midab oo siman oo kala ah Madow, Hurdi ama jaale iyo Casaan ama gaduud qafiif ah.

Lacagta dalka laga isticmaalo waxaa lacagta Yurub ee Yuurooga la yiraahdo gaadiidkuna waxay isku dhaafaan marka Biljimka la joogo dhanka dhanka midig waxaana dalka looga hadlaa luuqadaha Faransiiska, Jarmalka Dutch,ka oo ah luuqada dalka Holand looga hadlo.

Bishii October 04,teedii sanadkii 1830 ayaa lagu dhawaaqay inuu dalkaan ka xoroobay dalka Holland oo uu ka tirsanaa hase ahaatee waxaa dal madax banaan loo aqoonsaday 19 bishii April sanadkii 1839,kii.

Dalkaan oo ay ka jirto boqortooyo awood leh hadda waxaa shaqeeya dawlad leh baarlamaan federal ah iyo gole xukuumad oo R/wasaare hoos taga.

 

Caasimada Biljimka ee Brussels sidoo kalena waa xarunta ururka Midawga Yurub iyo ururka gaashaanbuurta NATO.

Sidoo kale dalkaan waxaa uu ka mid yahay 5 tii wadan ee ururka Midawga Yurub aas aasay 1,dii November sanadkii 1993.

Dhanka dhaqaalaha haddii aanu eegno Biljimku waxaa uu ka mid yahay 15 wadan ee dunnida ugu dhaqaalaha badan  waxaana dawladu daqliga ugu badan ka heshaa shidaalka, dheemanka iyo dhoofinta agabyo ay farsameeyaan warshadaha dalkaasi oo dawooyinka ugu horeeyaan.