Taariikh Nololeedkii Marxuum Abwaan Afgudhiye Oo Xaley Ku Geeriyooday Hargeysa

0
1447

Taariikh Nololeedkii Marxuum Abwaan Afgudhiye Oo Xaley Ku Geeriyooday Hargeysa

 

Hargeysa(Halsan)-Allaha Naxariistii jano haka Waraabiyee Abwaan Axmed Siciid(Af-gudhiye),oo kamid ahaa Abwaanada murtida Shilis leh ee sida aadka ah looga yaqaaney dhulka Soomaalida gaar,ahaana Dalalka Jabuuti,Somaliland,kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya iyo meelo kale oo badan ayaa Caawa ku geeriyoodey Caasimada Hargeysa, isla Maantana lagu Aasey Magaalada  Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal.

Marxuumka oo sanadihii u dambeeyay Xanuun u jiifey,ayaa dhawaan laga soo celiyay Cusbitaal kuyaala dalka Hindiya, kadib markii halkaa loo geeyay Xaalad Caafimaad,inkastoo uu ahaa Marxuumku Bukaan socod mudooyinkii u dambeeyay Sanadkii 1956kii ayuu ku dhashey Waqooyiga Buuraleyda ee Xeebta Galbeed Fiqi Aadan iyo Wadajir oo u dhaw Buurta Libaaxyaley,waxaanu ku barbaarey yaraantiisii meel baadiye oo layidhaa Erer oo u dhaw Diridhaba dhinaca kana xigta oo uu ka bilaabey
 

Quraanka,Sanadihii sideetamaadkii ayuu dhinaca Hargeysa yimid Waxaanu ku biirey Kooxdii Danan oo uu horaantii kamid noqdey Fanaaniintii heesaaga ahaa, isagoo markii dambe dhinaca Muqdisho,Waxaanu kamid noqdey isla sadahaa sideetamaadkii Fanaaniintii ka hawlgaley Raadiyaw Muqdisho,isagoo sanadkii 1991kii u Wareegay dhinaca Dalkaasi Jabuuti,sanadihii sagaashanaadkii Waxa uu ku aasaasey Dalkaasi Jabuuti Kooxdii Deegaan oo uu ahaa Abwaankii Ruwaayadaha badan u alifey Kooxdaasi,isagoo Madaxweynaha Jabuuti ololihii Doorashadiisa Markii Labaad u curiyey heeso galey Keydka RTD oo ay kamid aheyd ‘Xaal,xaalka dhiman iyo xubnaha hadhey ha is raaciyee Marka kale Xilka Aan U Dhiibno’ iyo heeso kale oo badan.

 

Allaha Naxariistii Jano haka Waraabiyee Marxuum Axmed Siciid Af-gudhiye waxa siweyn loogu Xusuusan Doonaa Suugaan iyo murti badan oo uu alifey kuwaas oo dhamaantood xikmad badani kujirtey,oo ay kamid ahaayeen Gabeygiisii ‘odey biiqey’iyo Hees uu Allifey Wakhtigii uu Joogey Dalkaasi Jabuuti,oo layidhaa Wankeyga Caddow Ha Naaxin Weydaaddaa Lagu Baxaaye Baruurtu Wedkaagga Weeyi,heestaas oo uu sheegay in uu u allifey Dawlladaha Reer Galbeedka iyo sida ay u ugaadhsadaan Dawlladaha Afrikaanka iyo Madaxweynayaashooda haseyeeshee,markii dambe laga madnuucey dalkaasi Jabuuti kadib markii si khaldan loogu Turjumey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

 

“Wasiir Waa Dhaweydd La Doortey Wadiifadda Si Uu Uraago Waliimuu Sameynayaaye Wankeygga Cadow Ha Naaxin Weydaada Lagu Baxaayye Baruurtu Waddkaaga Weeyi”.

‘Waddaadbaa Reerka Joogga Waddeeco Ka Faalinaaya,Waddaran Raadkeed Guraaya,Wardigu Waaxyaha Hibeysan Indhaha Wuu Ku Weeciyaaye Ayaan Wacalaaf Ku Sheegan’.

‘Intuu Waaggu Baryaayo Ama Xaqqu Wehel Helaayo Baruurtu Wadkaaga Weeyi’

Wiglada dhiilada ciyaarta

Waadiga cidda laga waraabsho

Ceelkiisa walaalo’ gooye

Markii la wareejin’ doodda

Waydiintaada ha cuslaynin’.

Wax aragaaga ha fogaynin’

Weedhaaduna hays dhex taalo

Haddii waxba lagu su’aalo

Addoo Run ka weecanaayya’

Beenna iska waaninaaya’

Ha waayin wax aad tidhaahdo.

Heesaha kale ee caanka ah ee lagu xusuusanayo waxaa ka mid ah heestii rag iyo dumar ee “Waxa Raantta loo feedhayaa waa ragg.

Waxa cadarka laysugu shubaa waa ragg

Marxuum Abwaan Axmed Siciid Afgudhiye,oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews sanadii 2016kii bishii Abril 27keedii Xogwaran kooban kula yeelatey Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal,isagoo kujira xaalad Caafimaad Waxaanu ka diyaariney xiliggaasi Qormooyinkii Xusuusta Abwaan Afgudhiye Mrtidiisa iyo Xaalada Xiligan,anagoo idiin soo gudbin doona Qeybaha kale ee Fankiisii iyo Taariikh Nololeedkiisa ku wajahan oo,ay Nagala qeyb qaadan doonaan Wariye Haashim Good oo Boorame ku wareystay iyo Aqoonyahan Cabdirisaaq Saalax Cilmi oo qormooyin badan ka diyaariyey Xaalkiisa Caafimaad markii u horeysay ee Xanuunku ritey oo uu Bulshada Tusey dad badan oo aan ka warheyn xaalkiisa.

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(Cabdiraxmaan-hiiraan)

hadhwanaagnews Email:hiiraan2007@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here