Taageeradii ugu badnayd abid ee loo sameeyo murashaxiinta xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi iyo saylici taasoo lagu qabtey caasimada dalka belgium ee brussels

0
678

Taageeradii ugu badnayd abid ee loo sameeyo murashaxiinta xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi iyo cabdiraxmaan cabdilaahi ismail saylici taasoo lagu qabtey caasimada dalka belgium ee brussels.By maxamed jeex

Dadkii faraha badnaa ee halkaas iskugu yimidey waxay muujiyeen taageerada ay u hayaan murashaxiinta xisbiga kulmiye mudane muuse biixi cabdi iyo mudane cabdiraxmaan cabdilaahi ismail saylici.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadle xuseen dubad oo ahaa dadkii odayaasha ahaa oo

Waxaa kale oo xafladaasi ka hadley gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee laanta belgium maxamed jeex ( maxamed muuse) wuxuu sheegey in ay banaantahay in la taageero xisbiga kulmiye oo looga bartey wax qabad wadankeenana wax weyn ka qabtey waana xisbigii horumarka waa xisbigii wadajirka waa xisbiga.

Waxaa isna madashaa ka hadley gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee wadamada benelux yaasiin wuxuu u sharaxay umadii faraha badnayd ee halkaas is kugu timidey 3 sadex qodob oo kalaah inaan madaxweynaha u muujino ama aan isku garab taagno go,aankiisii uu ka qaatey wasiiradii xilka baneeyey kuna habalyeyno madaxweynaha go,aankaas iyo inaan taageero mugleh u muujino murashaxiinta ay soo doorteen golaha dhexe ee xisbiga kulmiye oo kala ah muuse biixi cabdi iyo cabdiraxmaan cabdilaahi ismail saylici.
Yaasiin oo hadalka sii watey wuxuu u mahad naqay dhamaan shacabka ka soo qaybgaley taageerada murashaxiinta xisbiga kulmiye ee u yimidey iney garab taaganyihiin xisbiga kulmiye.

Waxa kale oo hadal wanaagsan halkaasi ka jeediyey daadihiyada barmaamijka maxamuud sayid oo isaga ka hadley laba qodo oo muhiim u ah umada reer somalilan oo kala ah in dadka reer somaliland ee wadankeenii jogaa ay ku talaabsadaan iney dhulka tacab galiyaan oo ay beeraha qutaan si ay uga maarmaan in cunto ay dibada uga timaado xaga wax soo saarka xoogeena iyo muruqeenaba ,shacab iyo xukumadba aan galino sidaan wax ula soo bixi lahayn, maxamuud wuxuu intaasi ku daray dhalinyarada joogta yurub waa inaad ka faa,iidaysataan inaad wax ka barataan dalkan aad joogtaan oo aad xooga saartaan ayuu ku buuriyey dhalintii xafladaas timidey ee reer somaliland.

Isna waxaa hadley afhayeenka dhalinta reer somaliland ee dalka belgium daahir jaamac oo cadeeyey iney dhalinyaradu taageersan tahay murashaxiinta xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi iyo cabdiraxmaan cabdilaahi ismail saylici oo ay hiil iyo hooba ay la garab joogaan meelkastaba wuxuuna si fiican u taageeray madaxweynaha qaranka somalind axmed silaanyo oo uu ku geesi raganimo leh.

Isku soo wada duuboo xafladii xaley ka dhacdey dalka belgium caasimadiisa brussels waxay ahayd mid aad la is kugu arkey oo la muujiyey in xisbiga kulmiye yahay xisbi awood balaadhan ku leh wadanka belgium.