Suxufiyad la dilay iyadoo warar ka soo tebineysa dagaalka ka socda galbeedka Mosul + Sawirro

0
667

Suxufiyad caan ah oo la oran jiray Shifa Gardi ayaa la dilay maanta xilli ay warar ka soo tebinaysay dagaalada Ciidamada Ciraaq iyo Kooxda Daacish ku dhexmaraya galbeedka magaalada Mosul.

Telefishinka Rudaw ee uu maalgeliyo Xisbiga Dimoqraadiga ee Kurdistan ee KDP oo Suxufiyadan ay ka la shaqeyneysay ayaa shaaciyey in Shifa Gardi ay ku geeriyootay miino jidka dhinaciisa lagu aasay, waxaana ku dhaawacmay Yonis Mustafa oo ahaa sawir qaadihii la socday.

Shifa Gardi ayaa 21-kii bishan soo badbaadisay Bakayle ku dhaawacmay dagaalka Mosul oo ay ka soo heshay Tuulada Albu-Sayf, iyadoo Bakaylihii la soo gashay qolka Wararka ee TV-ga.

Geerida saxafiyadan ayaa waxaa aad uga naxay maamulka Tvga Rudaw iyo daawayadayaashii ku xirnaa wararka ay ka soo tebin jirtay dagaalka ka socda magaalasa Mosul ee woqooyiga dalka Ciraaq.

Weryeyaashii ay isla shaqeyn jireen suxufiyadan ayaa laga daawaday Tvga Rudaw iyagoo ka sheekeynaya taariikhdeeda isla markaana ilmeynaya.

Dalka Ciraaq oo ka mid ah dalalka caalamka ee ay dagaaladu halakeeyeen ayaa waxaa sanad walba lagu dilaa weriyeyaal fara badan oo sababsada qaraxyada iyo iska horimaadyada dalkaas ka jira mudada 10ka sano ka badan.