Suldaan Xiirey Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga UCID Uguna Baaqay Gudoomiye Faysal Iyo Musharax Jamaal Inay Khilaafkooda Ku Dhameeyaan Wada Hadal iyo Xeerka Xisbiga

0
637

Hargeysa(Halsan): -Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo ah af-hayeenka salaadiinta Somaliland oo maanta warfidiyeenada kula hadleyey magaalada Hargeysa ayaa si kooban uga hadley khilaafka xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,ka dhex aloosan,waxaana uu sheegey in xisbiga UCID,uu yahay xisbi qaran isla markaan khilaafkooda ay ku dhamaystaan wada hadal waxaana uu yidhi.
”Horta xisbiga UCID,waa xisbi qaran,waa xisbi ugu da’weyn axsaabta qaranka ,Guddoomiyaha iyo musharraxuba waa laba nin oo qiimo badan,oo labaduba dalka karaamo iyo sharafbey kuleeyihiin”Ayuu yidhi Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray.

Geesta kale waxaa uu Suldaan Xiiray, uu u soo jeediyey guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo musharraxa jagada madaxweyne ee xisbigaasi Aqoonyahan Jamaal Cali Xusseen in khilaafkooda ayku dhammeystaan xeerarka xisbiga UCID, u yaalla waxaana uu yidhi.
“Anigu waxaan soo jeedin lahaa in arrintaa laga daayo maxkamadda,in laga daayo caadifadda saaro,in la dejiyo,oo ay xeerkoodii iyo golahoodii ay ku kala baxaan,oo ay si wanaagsan khilaafkooda ay u dhammeystaan,waayo xisbigaasu hadduu sidii uu innaga baaba’o oo kale (UDUB),Waayo axsaabo hore ayaa innaga baaba’dey,xisbi aynu ka maarmeyno maaha”Ayuu yidhi Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray