Sool, Sanaag Iyo Cayn W/Q Ibraahim Hawd

0
234

Sool, Sanaag Iyo Cayn W/Q Ibraahim Hawd

 

Khilaafka Laascaanood Haddii La Daaroodeeyo Oo Geeska Afrika La Isaga Habarwacdo, Xaqa Dhulbahante Ee Xalaasha Ah Aniga Iyo Qof Kale Toonna Akhlaaq Ahaan Ma Difaaci Karo, Run Ahaantii, Eex Iyo Xadgudubna Anigu Kuma Jiro, Runtana La Iigama Dhakowsiiyo.

Aynnu Ka Bilowno Xaqiiqadan. Iyada Oo Aanu Qof Isaaq Ahi Juuq Ka Celin, Dhawr Iyo Toban Sanno Waxaa Lagu Soo Celcelinayey Halhayska Ah “Sool, Sanaag Iyo Cayn”. Haddaba Waa Maxay Sool, Sanaag Iyo Cayn Xaqiiqo Ahaan?, Maxaa Looga Jeedaa? Sidee Ku Yimid Halqabsigan Meel Walba Ka Dhacay? Maxaase Isaaqu Intaas Oo Dhan Uga Aamusnaa Oo Uga Falcelin Waayey?

Sool, Sanaag Iyo Cayn Waa Eray Halgameed Somaliland Liddi Ku Ah Oo Ay Samaysay Jabhaddii SSC Iyo Mataanteedii Khaatumo, Ujeeddaduna Ahayd In Dhulbahante Helo Maamul-Goboleed. Sida Dastuurka Soomaaliya Qorayo, Maamul-Goboleed Waxaa Isku Noqon Kara Laba Gobol Iyo Ka Badan. Hadddaba Jabhaddaasi Waxa Ay Hindistey In Ay Faafiso Dacaayad Ah In Ay U Halgamayso Saddex Gobol Oo Magacyadoodu Yihiin Sool, Sanaag Iyo Cayn.

Haddii Arrintu Sidaas Ahayd, Saddexda Gobol Aynnu Macnayno.

  1. Cayn maaha Gobol Siyaasad Ahaan Jira Oo Soomaaliya weligeed Ma Ay Magacaabin Gobol Cayn la yidhaahdo. Taariikh ahaan Cayn Waxaa Ahaa Degmada Caynaba iyo Ceelasha iyo daaqsinta ku meersan, waana degaan leh dabeecadda loogu Magac-Bixiyay oo ah il ama ilo. Dhulkaas waxaa dega Qabiilka Habar-Jeclo. Laakiin Qolada Jabhadda Dhulbahante Wax Ay Cayn U Bixiyeen Degmada Kale Ee Buuhoodle, taas oo dhul ahaan ka tirsan Ciid iyo Hawd, siyaasad ahaanna ka tirsan gobolka Togdheer. Haddii se jabhaddu Buuhoodle Gobol Cayn la yidhaahdo ula baxday, waa degmo u qaybsan Dhulbahante iyo Habar-Jeclo, oo ay si is la’eeg u wada degaan, iyada oo Magaalada Buuhoodle Dhulbahante u gaar tahay.
  2. Sanaag Waa Gobolkii Awooweyaasha Soomaalida, Oo La Yidhaahdo dadkuba halkaas buu ka soo Tafiirmay. Gobolkaas degmooyinkiisa waxaa wada leh Isaaq iyo Warsangeli, Laakiin Dhulbahante daaqsin uu ka soo gaadho mooyee wax degmo ah kuma laha. Markaas adeegsiga Magaca “Sanaag” Waa hadal aan wax macne ah lahayn.
  3. Sool Waa Gobolkii Maxamed Siyaad Barre Ka Jaray Gobolka Togdheer, Sannadihii Uu Dabka SNM Ku Shidnaa Si Uu Reeraha U Kala Qaybiyo Oo Isugu Diro, Laakiin Afarta Degmo Ee Gobolka, Magaalada Laascaanood Oo Ah Xarunta Gobolka Sool Waxaa Leh Dhulbahante, Taleex Waxaa Leh Dhulbahante, Xudun Waxaa Wada Leh Dhulbahante Iyo Sacad Yoonis, Caynaba Oo Ah Magaalada Labaad Ee Gobolka Ugu Bulsho badan waxaa leh Habar-Jeclo, tuulooyinkuna Sidaas Bay U Qaybsan Yihiin.

Taa Macnaheedu Waxaa Weeye, Sanaag Ma Jirto, Cayn Ma Jirto, Sool Waa La Wada Leeyahay, Sidaas Darteed Halhayska Sool, Sanaag Iyo Cayn Waa Dhalanteed.

Isaaqu maxay intaas oo sanno uga falcelin Waayeen Adeegsiga halhayska Sool, Sanaag iyo Cayn? Sababta Oo Ah Dhulbahantaha ayey Ogaan hadalka ugu daynayeen oo ugu Sed Burinayeen, iyaga oo is lahaa Somalilandnimada ku wada jira oo Qabyaalad Ha Tusina.

Haddaba aqoon-yahanka iyo siyaasiga Daarood ee Af iyo Adinba Duulaanka ah, ee malleeshiyaadka soo Abaabulaya, Ee Leh Dhul Daarood Baan Xoraynayaa iyo Maamul-Goboleed Baan Samaynayaa, Bal Ummadda Soomaaliyeed Hadalkaas Aan Qoray Ha Kala Doodo Oo Af La Fahmi Karo Ha Ku Qanciyo.

Waxa Qoray Ibraahim Hawd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here