Somaliya: Weerar lagu Dilay Taliye Ciidan oo ka dhacay Caasimada Somaliya ee Muqdisho

0
774

Kooxo hubeesan oo watay gaari nuuciisa lagu sheegay NOAH ayaa goordhaw weerar waxa ay ku qaadeen Gaari uu la socday taliyaha Nabad sugida iyo Sirdoonka Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa gaariga a wateen ku horjaray gaari uu la socday Taliyaha Nabad Sugida degmada Kaxda xili uu marayay Xaafada Xoosh ee Degmada Dharkeeley.

Afhayen Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in weerarkan ay Taliyihii Nabad sugida ee Degmada Kaxda Maxamuud Xasan Macalin iyo sidoo kale askari kale oo la socday taliyaha Nabad sugida.

Ciidamo katirsan kuwa amaanka dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu weerarku ka dhacay, waxa ayna halkaasi ciidanka ka qaadeen dhaawaca sargaalkan katirsanaa Nabad sugidabalse markii dambe Isbitaalka ku geeriyooday iyo askariga dhintay.

Weerarada loo adeegsado gaadiidka ayaa kusoo badanaya degamada Dharkeeley ee gobolka Banaadir, waxaana isbuucii lasoo dhaafay labo weerar oo gaadiid loo adeegsaday ka dhaceen Degmada Dharkeenley.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here